Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyadda (UDST) ee fadhigeedu yahay Doha ayaa magaalada Doha ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo lagu taageerayo dhismaha Jaamacadda Tiknoolajiyadda Soomaaliya (TUS University).
Heshiiska lagu saxiixay Doha ayaa dejinaya qaab-dhismeed lagu horumarinayo jaamacad diiradda saareysa waxbarasho farsamo iyo xirfadeed oo tayo sare leh. Sida ku cad heshiiska, UDST waxay taageeri doontaa diyaarinta manhajyada, tababarka macallimiinta, hubinta tayada iyo shahaado-siinta.
Wejiga koowaad ee mashruuca ayaa diiradda lagu saari doonaa qaybaha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin tiknoolajiyadda, culuumta badda, duulista, batroolka, injineernimada, tamarta iyo maamulka caafimaadka, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.
Hindisahan ayaa qayb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka Soomaaliya ee 2025–2029, wuxuuna ujeedkiisu yahay horumarinta tayada waxbarashada iyo kobcinta xirfado waafaqsan baahiyaha suuqa shaqada. Waxaa si gaar ah xoogga loo saari doonaa tababarka macallimiinta Soomaaliyeed ee ka qayb qaadan doona maamulka iyo bahda tacliinta ee jaamacadda cusub.
Heshiiska waxaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare u saxiixay Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, halka Prof. Rashid Benlamri, Madaxweyne Ku-xigeenka Waxbarashada ee UDST, uu jaamacadda u saxiixay.
Munaasabadda saxiixa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya ee Qatar iyo masuuliyiin sare oo ka socday UDST.
Wasaaradda ayaa Dowladda iyo shacabka Qatar uga mahadcelisay taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la leeyihiin Soomaaliya.




























