| Somali
Faallooyin
CAALAMKA
5 daqiiqo akhris
Kacdoonka Suuriya wuxuu bilawday ka hor Guga Carabta
Dadka Suuriya waxay u halgamayeen xorriyad muddo ku dhow boqol sano, iyagoo ka billaabay Kacdoonkii Weyn ee Suuriya ee 1925 oo lagaga soo horjeeday xukunkii gumeystaha.
00:00
Kacdoonka Suuriya wuxuu bilawday ka hor Guga Carabta
Muuqaal farshaxan ah oo muujinaya calanka kacdoonka Suuriya ayaa lagu rinjiyeynay moosaayik uu ku yaallay wajiga madaxweynihii hore ee Suuriya, Hafez al-Assad, kadib markii laga tuuray Bashar al-Assad, magaalada Dimishiq, Suuriya, Janaayo 2, 2025. Sawirka (Reuters/Zohra Bensemra). / Reuters
4 Febraayo 2025

W/Q: Ahmet Yusuf Ozdemir

Ridistii Bashar al-Assad iyo isbeddelkii xukunka Suuriya muddo labo toddobaad gudahood ah kadib guulihii mucaaradka ee Idlib iyo Daraa waxay lama filaan ku noqotay dad badan. Laakiin ridistiisa waxay dhab ahaantii ahayd natiijada geedi-socod taariikhi ah oo soo bilowday qiyaastii boqol sano ka hor.

Sanad guuradii shanaad ee kacdoonka Suuriya bishii Maarso 2016, falanqeeyayaal badan waxay ku doodeen in kacdoonkii uu fashilmay. Guga Carabta wuxuu isu beddelay Jiilaalka Carabta, gaar ahaan Suuriya waxay noqotay kiis la hilmaamay.

Dhaqdhaqaaqyada kacdoon ee taariikhiga ah waxay na qasbayaan in aan ka fikerno wax ka baxsan falanqaynta juqraafiyeed ee xoogga saaraya doorka quwadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Xaaladda Suuriya, taasi waxaa xaqiijiyay adkaysiga mucaaradka Suuriya, kuwaas oo xasuus wanaagsan ka hayay xasuuqii ay la kulmeen xukunka Al-Assad, xitaa marka ay qurbaha joogaan.

Saamaynta bulsho iyo siyaasadeed ee kacdoonkii ugu dambeeyay ee 8-dii Diseembar 2024 ee Suuriya waxaa si qoto dheer loo falanqayn doonaa tobannaan sano ee soo socda. Haddii aan nasiib u yeelanno, waxaan aqrindoonaa warbixino kala duwan oo ka imanaya dhinacyadii ku lug lahaa, kuwaas oo sharaxaya sida kacdoonkii xowliga lahaa lagu gaaray iyo sida ay qoyska Assad uga falceliyeen.

Si kastaba ha ahaatee, hal shay waa in uu hadda caddahay: kacdoonka Suuriya waa in loo arkaa mid sii socday oo aan bilowgiisu ahayn 2011, balse dib ugu laabanaya kacdoonkii gumeysi-diidka ee 1925.

Jiilasha kacdoonka

Arrintani waxay u muuqan kartaa buunbuunin, balse nidaamyada siyaasadeed ee casriga ah dunida kama aysan arkin isbeddel la mid ah midka ka dhacay Suuriya. Waa run, ridistii Assad waxay timid kadib markii mowjadaha kacdoonka Carabta ay gaareen Dimishiq 2011, balse waxay si rasmi ah u curatay 2024.

Si kastaba, lama barbardhigi karo isbeddeladii xukun ee si degdeg ah uga dhacay dalal kale oo ay saameeyeen mudaharaadyada, sida Tuuniisiya iyo Masar.

Zine El Abidine Ben Ali wuxuu Tuuniisiya xukumayay 1987 ilaa 2011. Hosni Mubarak wuxuu Masar xukumayay 1981 ilaa 2011. Xukunka Ben Ali wuxuu dhammaaday kaddib olole 28 maalmood socday, halka Mubarak iscasilaadiisa ay timid kaddib 18 maalmood oo kacdoon ah.

Baahida isbeddelka ee Suuriya mar walba waxay ahayd mid isku mid ah, fudud balse joogto ah, laga soo bilaabo 1925 ilaa 2025.

Markii dabaylaha Guga Carabta ay gaareen Dimishiq 2011, xasuusta iyo xamaasadda kacdoonkii hore wali wey jireen. Taasina waxay si cad u muuqatay markii albaabada xabsiga Sednaya la furay bishii hore.

Tusaale ahaan, duuliyihii ciidamada cirka ee Suuriya, Ragheed Al-Tatari, oo la xiray isagoo 27 jir ah sanadkii 1980, kadib markii uu diiday amarkii lagu faray inuu duqeeyo dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Xama. Wuxuu xabsiga ku jiray 43 sano kahor inta aan la sii deyn.

Baahida isbeddelka Suuriya waxay weligeed ahayd mid joogto ah, laga soo bilaabo 1925 ilaa 2025. Markii dadweynaha Suuriya ay kasoo horjeesteen xukunkii Faransiiska, waxay qaateen hal-ku-dhiggii caanka ahaa ee kacaankii Faransiiska: "Xorriyad, Sinnaan, iyo Walaaltinimo."

Dhanka kale, hal-ku-dhig caan noqday oo xukunka Assad iyo taageerayaashiisa ay isticmaali jireen wuxuu ahaa: "Assad ama waan gubaynaa dalka". Runtii, taasina waa sida ay wax u dhaceen kaddib 13 sano oo dagaal sokeeye ah – 13 sano, 8 bilood, iyo 23 maalmood, si sax ah loo dhigo.

Xilliga isbeddelka

In kasta oo qalalaasaha siyaasadeed ee Liibiya iyo Yemen uu sii socdo, haddana waxaa la oran karaa in Guga Carabta uu si rasmi ah ugu dhammaaday ridistii Bashar al-Assad. Dowladda cusub ee Suuriya waxay isku dayeysaa in ay dib u dhisto nidaamka siyaasadeed, dhaqaale, iyo militari, balse arrintaasi ma sahlana.

Haddaan si qoto dheer u eegno, Suuriya mar walba waxay ahayd dal siyaasaddiisu aan degganayn tan iyo aasaaskeedii. Tusaale ahaan, intii u dhaxaysay 1922 ilaa 1970, waxaa jiray 16 isbeddel xukun, oo 7 ka mid ah ay ahaayeen afgambi militari. Kahor intaan qoyska Assad xukunka qaban, inta badan hoggaamiyeyaashii Suuriya waxay talada hayeen celcelis 18 bilood oo kaliya.

Mustaqbalka kacdoonka

In kasta oo Guga Carabta uu dhamaaday, qalalaasaha Bariga Dhexe wuu sii soconayaa.

Kaddib sannad iyo bar xasuuq uu Israa’iil ka geysatay Gaza, kacdoonka Suuriya wuxuu dib noogu xasuusiyay in isbeddelka siyaasadeed uu suurtagal yahay.

Su’aasha la is weydiinayo waxay tahay: Ridistii Assad ma horseedi doontaa kacdoon kale oo Guga Carabta ah? Tani waa su’aal macquul ah, laakiin ugu yaraan hadda, dowladda ku-meel-gaarka ah ee Suuriya ma muujin wax dadaal ah oo ay ku fidinayso kacdoonkeeda gobolka.

Kacdoonku waa rabitaan aasaasi ah oo bini’aadamku u qabo sharaf iyo karaamo. Waa diidmo ka dhan ah hoggaamiye dhaqameedyada doonaya inay dareenka shacabka u leexiyaan dhanka cadow shisheeye, halkii ay ka oggolaan lahaayeen in dadku qoraan taariikh cusub.

Suuriya xilligii labada Assad waxay ahayd tusaale cad. Saddex toddobaad kahor inta uusan talada ka dhicin, Bashar al-Assad wuxuu ka hadlay shirkii degdegga ahaa ee Carabta iyo Islaamka, isaga oo isku dayaya in uu Suuriya u muujiyo difaacaha ugu weyn ee qadiyadda Falastiin.

Balse xaqiiqda waxay tahay, aabbihiis, Hafez al-Assad, wuxuu lahaa doorkii ugu weynaa ee lagu kala furfuray halgankii Falastiiniyiinta, isagoo bartilmaameedsaday dadaalkii ay ka wadeen Lubnaan.

Haa, Jamhuuriyadda Suuriya waxay xorriyaddeeda heshay markii ciidamadii ugu dambeeyay ee Faransiiska ay ka baxeen bishii Abriil 17, 1946. Laakiin shacabka Suuriya waxay helayen xorriyadooda dhabta ah markii Bashar al-Assad uu ka cararay Dimishiq una baxsaday Moscow.

XIGASHO: TRT WORLD

Raadi Warar Kale
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela
Maduro ayaa amar ku bixiyay abaabul qaran isagoo cambaareeyey “weerarka gumeysi ah" ee Mareykanka
Qaraxyo gilgilay Caracas kaddib digniin uu Trump ka bixiyay duqeymo lagu qaado Venezuela
Israa'iil oo aqoonsashada Somaliland uga bedelatay saldhig & barakicinta Falastiiniyiinta: MW Xasan
Hoggaamiyaha Suudaan Burhaan oo ballanqaaday guul laga gaaro RSF, lana gaari doono dib-u-heshiisiin