| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasaaradda Ganacsiga oo Qabatay Aqoon-is-weydaarsi Lagu Dhammeystirayo Qorshaha Qaran ee 2026–2030
Qorshahan oo ay taageerayaan Sanduuqa Kobcinta Iskaashiga Ganacsiga (EIF-WTO), isla markaana kaalmo farsamo ka helaya ESAMI-TRAPCA, ayaa bartilmaameedsanaya soo jiidashada ugu yaraan 35 milyan oo doollar oo maalgashi cusub ah.
Wasaaradda Ganacsiga oo Qabatay Aqoon-is-weydaarsi Lagu Dhammeystirayo Qorshaha Qaran ee 2026–2030
Wasaaradda Ganacsiga oo Qabatay Aqoon-is-weydaarsi Lagu Dhammeystirayo Qorshaha Qaran ee 2026–2030 / SONNA

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacadii qabatay aqoon-is-weydaarsi lagu dhammeystirayo laguna ansixinayo Qorshaha Qaran ee Soomaaliya 2026–2030, kaas oo diiradda lagu saarayo kordhinta qiimaha sisinta iyo kalluumaysiga iyada oo loo marayo qiime-ku-darid, tayeyn iyo ballaarinta helitaanka suuqyada.

Qorshahan ayaa wax ka qaban doona caqabadaha ka jira wax-soo-saarka, kadibna xoojin doona silsiladaha qiimaha, isla markaana isku xiri doona wax-soo-saarka Soomaaliya iyo suuqyada gudaha, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah. Waxa uu hiigsanayaa taageeridda 300 oo ganacsi, sameynta 80 xiriir oo ganacsi oo lala yeesho iibsadeyaal, iyo abuurista ku dhowaad 1,200 oo fursado shaqo ah.

Qorshahan oo ay taageerayaan Sanduuqa Kobcinta Iskaashiga Ganacsiga (EIF-WTO), isla markaana kaalmo farsamo ka helaya ESAMI-TRAPCA, ayaa bartilmaameedsanaya soo jiidashada ugu yaraan 35 milyan oo doollar oo maalgashi cusub ah. Ujeeddadiisu waa in la dardargeliyo isbeddelka qaybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya, la ballaariyo dhoofinta badeecadaha qiime lagu daray, la kordhiyo dakhliga, lana abuuro fursado dhaqaale oo waara.