| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ciidanka Suudaan oo iska caabiyay weerar ay RSF ku soo qaadday Koonfurta Kordofaan
Ilo-wareedyo militari ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay maleeshiyada RSF gaarsiiyeen khasaare nafeed iyo burburka agab milatari.
Ciidanka Suudaan oo iska caabiyay weerar ay RSF ku soo qaadday Koonfurta Kordofaan
Ciidanka Suudaan oo iska caabiyay weerar ay RSF ku soo qaadday Koonfurta Kordofaan. / AA
15 Janaayo 2026

Ciidanka Suudaan ayaa iska caabiyay weerar ballaaran oo ay ku soo qaadeen maleeshiyada RSF iyo xulafadooda SPLM-N, kaas oo ka dhacay magaalada Al-Kuweik ee gobolka Koonfurta Kordofaan, sida ay Arbacadii sheegeen ilo-wareedyo militari.

Ilo-wareedyada oo la hadlay Anadolu ayaa sheegay in cutubyada ciidanku ay la kulmeen weerarka subaxnimadii hore, iyagoo gaarsiiyay khasaare naf iyo mid qalab ah, kuna qasbay ciidamada weerarka soo qaaday inay dib u gurtaan. Waxay intaas ku dareen in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen gaadiid gaashaaman iyo kuwo dagaal intii ay socdeen iska horimaadyada.

Ma jirin faahfaahin degdeg ah oo ka soo baxay RSF ama SPLM-N oo ku aaddan warbixintaas.

Muuqaallo ay ciidanku ku baahiyeen baraha bulshada ayaa muujinayay dabaaldeg ay dhigeen kadib markii la fashiliyey weerarka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, saddexda gobol ee Kordofaan ee Suudaan – Waqooyi, Galbeed iyo Koonfur – ayaa waxaa ka dhacay iska horimaadyo culus oo u dhexeeya ciidanka dawladda iyo RSF, kuwaas oo sababay barakaca tobannaan kun oo rayid ah.

18-ka gobol ee Suudaan, RSF ayaa gacanta ku haysa dhammaan shanta gobol ee Darfuur ee galbeedka dalka, marka laga reebo qaybo ka mid ah Waqooyiga Darfuur oo weli ay maamusho dawladdu. Dhanka kale, ciidanka dawladda ayaa gacanta ku haya inta badan gobollada kale ee 13-ka ah ee ku yaalla koonfurta, waqooyiga, bariga iyo bartamaha dalka, oo ay ku jirto caasimadda Khartuum.

Iskahorimaadka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo RSF, oo billowday bishii Abriil 2023, ayaa tan iyo xilligaas sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya: Ma lihin damac ballaarsi dhuleed ah oo la xiriira helidda marin badeed
Suudaan: Weerar loo adeegsaday drone oo ka dhacay suuqa Waqooyiga Kordofan oo lagu dilay 28 qof
Shiinaha bisha Maayo bilaabaya canshuur dhaaf uu u sameeynayo badeecadaha laga keeno Qaaradda Afrika
MW Xasan Sheekh oo Shir Madaxeedka AU kaga hadlay Amniga, Dimuqraadiyadda iyo Madaxbannaanida
Wasiirka Batroolka: Waxaan gaarnay xilligii aan soo saari lahayn kheyraadkeenna dabiiciga ah
Soomaaliya iyo Tansaaniya oo Kala Saxiixday Heshiis Fududeynaya Dal-ku-galka
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali
Wasiirka Dekedaha Soomaaliya oo sheegay inuu xiriirka badeed ee Turkigu yahay mid istaraatiiji ah
Soomaaliya: Duqeyn cirka ah oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday qorshe dib loogu furayo xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya
Danjire Maxamed Cabdi Afey oo Muqdisho ku baalfuray buuggiisa cusub ee 'Baadigoobkii Nabadda Geeska'
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa si uu uga qaybgalo Shir-madaxeedka Midowga Afrika
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo hoygooda kula kulmay hoggaamiyayaal hore
RW Ku-xigeenka Soomaaliya oo soo xiray shirkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga: Muqdisho
Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya oo si rasmi ah looga daahfuray Nairobi
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Geeska Afrika
Suudaan: Ugu yaraan 21 qof oo ku naf waayey doon ku degtay Webiga Niil
Midowga Afrika oo waxba kama jiraan ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Muqdisho oo martigelisay shir cilmiyeed qaran oo ku saabsan sugnaanta cunada iyo hal-abuurka beeraha
Wasiirka Cadaaladda JFS iyo RW Aljeeriya oo yeeshay wada-hadal lagu xoojinayo xiriirka garsoorka