Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Soomaaliya, Maxamed Maxamuud Cabdulle, ayaa faray dhammaan wasaaradaha, hay’adaha iyo xafiisyada Dowladda Federaalka inay u diyaar-garoobaan isku-xirka nidaamka mushaar-bixinta dowladda iyo nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA.
Cabdulle ayaa arrintan ku sheegay warqad rasmi ah oo uu 29-kii Agoosto 2026 u diray hay’adaha dowladda, taas oo sidoo kale ogeysiis ahaan loo gaarsiiyey Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka ee NIRA.
Warqadda ayaa lagu sheegay in nidaamka mushaar-bixinta dowladda ee Payroll/SFMIS lagu xiri doono nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay xaqiijinta aqoonsiga iyo saxnaanta xogta shaqaalaha dowladda, xoojinta hufnaanta iyo isla-xisaabtanka mushaar-bixinta, iyo hubinta in mushaarka dowladda la siiyo shaqaalaha xaqa u leh oo keliya.
Wajiga koowaad ee qorshahan, shan hay’adood oo dowladda ka tirsan ayaa lagu sameyn doonaa tijaabo hordhac ah oo bilaabanaysa 1-da Oktoobar 2026. Marka la qiimeeyo natiijada tijaabada, nidaamka ayaa si tartiib-tartiib ah loogu ballaarin doonaa hay’adaha kale ee dowladda.
Dhaqan-gelinta buuxda ee nidaamkan ayaa la qorsheeyey in la gaaro ugu dambeyn 31-ka Diseembar 2027.
Xisaabiyaha Guud ayaa hay’adaha dowladda faray inay dib u hubiyaan xogta shaqaalahooda ku jira nidaamka mushaar-bixinta, isla markaana ay shaqaalaha aan weli haysan Aqoonsiga Qaranka ku wargeliyaan inay si degdeg ah isaga diiwaangeliyaan NIRA.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka isku-xirka nidaamkan si rasmi ah loo dhaqan-geliyo, shaqaalaha aan haysan Aqoonsiga Qaranka ama aan xogtooda si sax ah looga xaqiijin nidaamka ay arrintaasi saameyn ku yeelan karto mushaar-bixintooda.
Xisaabiyaha Guud ayaa dhammaan hay’adaha dowladda ku adkeeyey inay arrintan siiyaan mudnaan gaar ah, isla markaana ay dhammaystiraan hubinta xogta iyo diiwaangelinta shaqaalahooda si looga fogaado dib-u-dhac ama caqabado ku yimaada nidaamka mushaar-bixinta iyo hufnaanta maaliyadda dowladda.























