| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarka Argagixiso ee ka dhacay Pakistan tacsina u dirtay shacabka
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, iyadoo u rajeynaysa caafimaad degdeg ah dhammaan dadka ku dhaawacmay weerarka.
Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarka Argagixiso ee ka dhacay Pakistan tacsina u dirtay shacabka
Samatabixiyayaal ku sugan goobta uu ka dhacay qarax meel u dhow waddo tareen oo ku taal Quetta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo loo adeegsaday bam oo lagu beegsaday tareen rakaab siday oo ku sugnaa magaalada Quetta ee gobolka Balochistan, Pakistan.

Weerarka ayaa sababay dhimashada dad rayid ah oo aan waxba galabsan, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, islamarkaana dhaawacay dad kale oo badan.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, iyadoo u rajeynaysa caafimaad degdeg ah dhammaan dadka ku dhaawacmay weerarka.

Soomaaliya ayaa si buuxda garab istaag ugu muujisay Pakistan iyadoo markale xaqiijisay diidmadeeda adag ee dhammaan falalka argagixisada iyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo shacabka aan waxba galabsan.

XIGASHO:SONNA