| Somali
TURKIGA
3 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga waaxda caafimaadka
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa dowladda Turkiga kala xaajooday ballaarinta mashaariicda caafimaadka, oo uu ku jiro Isbitaalka degmada Warsheekh
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga waaxda caafimaadka
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo dhiggiisa Turkiga, Prof. Dr. Kemal Memişoğlu / Others

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo dhiggiisa dalka Turkiga, Prof. Dr. Kemal Memişoğlu, ayaa Jimcihii (30-kii Oktoobar) magaalada Istanbul ku yeeshay wada-hadallo xuduntoodu tahay xoojinta iskaashiga caafimaadka, casriyeynta adeegyada daryeelka bukaanka, iyo hirgelinta mashaariic cusub.

Kulankan oo qabsoomay xilli Wasiir Dr. Cali Xaaji uu casuumaad rasmi ah uga qaybgalayay Shirweynaha 12-aad ee Caalamiga ah ee Caafimaadka Turkiga (Turkish Medical World Congress), ayaa diiradda lagu saaray qorshayaal dhowr ah oo loogu talagalay in lagu tayeeyo kaabeyaasha caafimaadka ee Soomaaliya.

Casriyeynta Isbitaallada iyo Tababarka

Arrimaha ugu muhiimsan ee labada mas'uul ay ka wada-arrinsadeen waxaa ka mid ahaa qorshaha ballaarinta iyo casriyeynta Isbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista ee Recep Tayyip Erdogan (Ex-Digfeer) ee magaalada Muqdisho.

Labada wasiir ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in la casriyeeyo qalabka iyo nidaamyada tiknoolajiyadeed ee isbitaalka.

Sidoo kale, waxa ay si qotodheer uga wada-hadleen horumarinta mashruuca Isbitaalka degmada Warsheekh, kaas oo qayb ka ah qorshaha Wasaaradda Caafimaadka ee daad-dejinta iyo ballaarinta xarumaha caafimaadka dalka.

Dhanka kale, waxaa si weyn loogu lafa-guray tababarka dhakhaatiirta takhasuska leh, kor-u-qaadista xirfadda shaqaalaha daryeelka bulshada, iyo la-qabsiga tiknoolajiyadda casriga ah ee xogta caafimaadka.

Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa bogaadiyay taageerada joogtada ah ee dowladda Turkiga ay ku bixiso horumarinta adeegyada caafimaadka Soomaaliya.

“Horumarinta adeegyada caafimaadka Soomaaliya waxa ay u baahan tahay iskaashi joogto ah, gaar ahaan dhinacyada tababarka, qalabaynta xarumaha, iyo tayeynta shaqaalaha,” ayuu yiri Wasiirku.

Shirweynaha Caalamiga ah ee Caafimaadka Turkiga

Wada-hadalladan laba-geesoodka ah ayaa dhacay xilli Istanbul uu ka socday Shirweynaha 12-aad ee Caalamiga ah ee Caafimaadka Turkiga (29-31 Oktoobar), kaas oo kulmiyay wasiirro, dhakhaatiir, iyo cilmi-baarayaal sarsare oo ka kala socday dalal kala duwan.

Shirka ayaa diiradda lagu saarayey iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada cilmi-baarista iyo tiknoolajiyadda caafimaadka.

Wasiir Cali Xaaji oo khudbad ka jeediyay madasha furitaanka shirweynaha, ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in waddamadu ay si dhab ah isaga kaashadaan tayeynta xirfadlayaasha iyo adeegsiga cilmi-baarista casriga ah.

“Kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, horumarinta cilmi-baarista, iyo adeegsiga tiknoolajiyadda cusub, waa iftiinka kaliya ee lagu dhisi karo nidaam caafimaad oo awood u leh inuu daboolo baahiyaha lixaadka leh ee bulshada,” ayuu Wasiirku ka sheegay madasha.

Gaba-gabadii, Wasiirka ayaa xusay xiriirka soo-jireenka ah iyo walaaltinimada qotada dheer ee ka dhexaysa Muqdisho iyo Ankara, isagoo xaqiijiyay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go'an tahay in la sii ballaariyo mashaariicda caafimaad ee wada-jirka ah si wax weyn looga taro caafimaad-qabka shacabka Soomaaliyeed.

 

XIGASHO:TRT SOMALI