| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
MSF oo dhaqaatiirteeda kala baxday isbitaalka Darfur kadib dhimashadii shaqaalahooda
Hay'adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ayaa joojisay howlgalkeedii isbitaalka magaalada Zalingei markii labaad sannadkan, kadib markii weerar hubeysan lagu dilay shaqaalahooda caafimaad, afar kalena lagu dhaawacay.
MSF oo dhaqaatiirteeda kala baxday isbitaalka Darfur kadib dhimashadii shaqaalahooda
Sawir hore: Barakacayaal reer Suudaan ah oo daryeel caafimaad ka helayey MSF, magaalada Tawila. / Reuters / Reuters
27 Nofeembar 2025

Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn (MSF) ayaa Arbacadii ku dhawaaqday inay shaqaalaheeda kala baxday Isbitaalka Magaalada Zalingei ee Darfur, kadib markii shaqaaleheeda caafimaad la toogtay halka afar kalena lagu dhaawacay meel ka baxsan isbitaalka.

MSF ma aysan magacaabin ciddii rasaasta furtay, inkastoo RSF ay la wareegtay magaalada Zalingei tan iyo Oktoobar 2023.

Bayaanka MSF ayaa tacsi loogu dirtay qoyskii shaqaalaha sariiraha qaada ee ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka ee la dilay 18-kii Nofembar.

“Dhacdadan ka dib, markii labaad sannadkan, waxaa nalagu qasbay inaan shaqaalaha kala baxno isbitaalka Zalingei si loo hubiyo badbaadadooda,” ayay hay’addu ku tiri bayaanka.

Mariam Al-Aroussi, oo ah isu-duwaha degdegga ee MSF ee Darfur, ayaa sheegtay in aan dib loo bilaabi karin howlaha samafalka ilaa RSF ay dammaanad ka bixiso ammaanka shaqaalaha iyo bukaanka. “Waa wax aan la aqbali karin in iska horimaadyada hubaysani saameeyaan xarumaha caafimaadka iyo gargaarka bini’aadamnimo.”

MSF waxay sheegtay inay si joogto ah ula xiriiraysay mas’uuliyiinta kala duwan tan iyo 18-kii Nofembar si loo helo amni loo gaaro xarunta. Inta lagu jiro bixitaanka, hay’addu waxay sii wadi doontaa taageeridda shaqaalaha iyo keenista daawooyinka.

Weerarkan wuxuu daba socdaa hakadkii hore ee bishii Agoosto, markaas oo MSF ay joojisay dhammaan howlaha isbitaalka kadib markii bam gacmeed uu gudaha ku qarxay, taas oo dishay hal qof, shanna qofna ku dhaawacday.

MSF waxay sheegtay in rabshaduhu ay carqaladeynayaan helitaanka daryeelka caafimaadka boqolaal qof oo u baahan gargaar, xilli ay hay’addu ka jawaabayso cudurkii jadeecada ee halkaas ka dillaacay. Intii u dhaxaysay Abriil iyo 20-ka Nofembar 2025, MSF waxay heshay 850 bukaan oo jadeeco qaba, 36% oo ka mid ahna ay la ildaran yihiin nafaqo-darro daran.

RSF hadda waxay maamushaa dhammaan shanta gobol ee Darfur, halka militariga Sudan uu gacanta ku hayo inta badan 13-ka gobol ee kale oo ay ku jirto Khartuum. Dagaalka u dhexeeya labada dhinac, oo billowday Abriil 2023, wuxuu dilay ugu yaraan 40,000 qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan, sida ay sheegtay WHO.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo baaraysa eedeymo la xiriira adeegsiga hawadeeda ee hogaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen
Muqdisho: Culimada oo hoggaamiyay dibadbax weyn oo looga soo horjeedo 'faragelinta Israa’iil'
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Gorgor oo ka qalinjabiyey TURKSOM
Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil oo gaaray Somaliland kaddib aqoonsi muran dhaliyay
Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo shacabka Gobolka Banaadir ugu hambalyeysay doorashada golaha deegaanka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo dib u eegis ku sameeyey amniga, ansixiyayna heshiisyo muhiim ah
Ku dhowaad 65,000 qof oo ka barakacay gobolka Kordofan ee Suudaan sababo la xiriira amni darro: QM
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Sacuudiga
Ciidanka Xoogga Dalka oo koonfurta Soomaaliya ku dilay 15 qabtayna 8 kale oo ka tirsan al-Shabaab
Diblomaasiga ugu sarreeya Venezuela oo dalbaday garab-istaag caalami ah oo ka dhan ah 'gumeysiga' US
Falcelinta caalamka ee duqeymaha Mareykanku ku qaaday Venezuela iyo ‘qabashada’ Madaxweyne Maduro
MW Maduro oo ku jira gacanta Mareykanka si uu u wajaho dacwado dambiyeed, Rubio oo u sheegay Senator
Madaxweyne Maduro iyo xaaskiisa oo laga saaray Venezuela, sida uu sheegay Trump
Kuuba iyo Kolombiya ayaa cambaareeyay weerarro la sheegay in Mareykanku ku qaaday Venezuela