| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
MSF oo dhaqaatiirteeda kala baxday isbitaalka Darfur kadib dhimashadii shaqaalahooda
Hay'adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn ayaa joojisay howlgalkeedii isbitaalka magaalada Zalingei markii labaad sannadkan, kadib markii weerar hubeysan lagu dilay shaqaalahooda caafimaad, afar kalena lagu dhaawacay.
MSF oo dhaqaatiirteeda kala baxday isbitaalka Darfur kadib dhimashadii shaqaalahooda
Sawir hore: Barakacayaal reer Suudaan ah oo daryeel caafimaad ka helayey MSF, magaalada Tawila. / Reuters / Reuters
27 Nofeembar 2025

Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudka Lahayn (MSF) ayaa Arbacadii ku dhawaaqday inay shaqaalaheeda kala baxday Isbitaalka Magaalada Zalingei ee Darfur, kadib markii shaqaaleheeda caafimaad la toogtay halka afar kalena lagu dhaawacay meel ka baxsan isbitaalka.

MSF ma aysan magacaabin ciddii rasaasta furtay, inkastoo RSF ay la wareegtay magaalada Zalingei tan iyo Oktoobar 2023.

Bayaanka MSF ayaa tacsi loogu dirtay qoyskii shaqaalaha sariiraha qaada ee ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka ee la dilay 18-kii Nofembar.

“Dhacdadan ka dib, markii labaad sannadkan, waxaa nalagu qasbay inaan shaqaalaha kala baxno isbitaalka Zalingei si loo hubiyo badbaadadooda,” ayay hay’addu ku tiri bayaanka.

Mariam Al-Aroussi, oo ah isu-duwaha degdegga ee MSF ee Darfur, ayaa sheegtay in aan dib loo bilaabi karin howlaha samafalka ilaa RSF ay dammaanad ka bixiso ammaanka shaqaalaha iyo bukaanka. “Waa wax aan la aqbali karin in iska horimaadyada hubaysani saameeyaan xarumaha caafimaadka iyo gargaarka bini’aadamnimo.”

MSF waxay sheegtay inay si joogto ah ula xiriiraysay mas’uuliyiinta kala duwan tan iyo 18-kii Nofembar si loo helo amni loo gaaro xarunta. Inta lagu jiro bixitaanka, hay’addu waxay sii wadi doontaa taageeridda shaqaalaha iyo keenista daawooyinka.

Weerarkan wuxuu daba socdaa hakadkii hore ee bishii Agoosto, markaas oo MSF ay joojisay dhammaan howlaha isbitaalka kadib markii bam gacmeed uu gudaha ku qarxay, taas oo dishay hal qof, shanna qofna ku dhaawacday.

MSF waxay sheegtay in rabshaduhu ay carqaladeynayaan helitaanka daryeelka caafimaadka boqolaal qof oo u baahan gargaar, xilli ay hay’addu ka jawaabayso cudurkii jadeecada ee halkaas ka dillaacay. Intii u dhaxaysay Abriil iyo 20-ka Nofembar 2025, MSF waxay heshay 850 bukaan oo jadeeco qaba, 36% oo ka mid ahna ay la ildaran yihiin nafaqo-darro daran.

RSF hadda waxay maamushaa dhammaan shanta gobol ee Darfur, halka militariga Sudan uu gacanta ku hayo inta badan 13-ka gobol ee kale oo ay ku jirto Khartuum. Dagaalka u dhexeeya labada dhinac, oo billowday Abriil 2023, wuxuu dilay ugu yaraan 40,000 qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan, sida ay sheegtay WHO.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Soomaaliya oo si kulul u cambaareysay weerarkii argagixiso ee Gobolka Zamfara ee dalka Nigeria
Soomaaliya oo sheegtay in la dilay 17 taliye oo ka tirsan al-Shabaab 6-dii bilood ee u dambeysay
OIC oo cambaareeyey hadallada safiirka Mareykanka ee ku saabsan dhul-ballaarsiga Israa’iil
Dab ka kacay xero barakacayaal oo ku taalla Kordofan ee Suudaan oo 41 qoys ka dhigay hoy la’aan: IOM
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay tallaabooyin lagu horumarinayo badqabka duulimaadyada
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kulan istiraatiiji ah la yeeshay hoggaanka AUSSOM
Safiirka Soomaaliya oo Warqadaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Hungary munaasabad taariikhi ah
QM: Carruurta Suudaan oo halis weyn ku jira kadib weeraro drone oo lagu beegsaday xeryo barakacayaal
Soomaaliya: MW Xasan Sheekh oo Madaxtooyada Kulan Ballaaran kula qaatay Xubnaha Golaha Mustaqbalka
Kumannaan qof oo salaaddii ugu horreysay ee Taraawiixda Ramadaan ku tukaday Masjidka Al-Aqsa: Qudus
Ugu yaraan 50 rayid ah oo lagu dilay iska horimaadyo ka dhacay bariga DRC: OCHA
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah
Gabon oo muddo aan la cayyimin hakisay isticmaalka qeyb ka mid ah baraha bulshada
Dab ka kacay xero barakacayaal oo ku taal Waqooyiga Daarfuur oo 60 qoys hoy la'aan dhigay: Suudaan
Madaxweyne Xasan Sheekh oo martigeliyay Madasha Mustaqbalka kahor Shirka Wadatashiga Qaran
Masar oo ku baaqday iskaashi dhex mara dalalka Wabiga Niil, kana hortimid tallaabooyin hal dhinac ah
MW Xasan Sheekh oo ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan
Soomaaliya oo dhimis ku sameysay saacadaha shaqada ee bisha Ramadaan
Dalalka Islaamka qeybtood oo Arbacada soomman, halka kuwo kuwo kalena ay maalin ka dambeeyaan
In ka badan nus milyan qaxooti ah oo ku laabtay Suudaan labadii sano ee la soo dhaafay: IOM