Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca
Kulanka heerka sare ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Xasan Cumar Maxamed, oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti ayaa ka qeybgalaya kalfadhigii 35-aad ee Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Ciidanka Heegan-ka Bariga Afrika (EASF).
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada amniga iyo difaaca. Wadahadallada ayaa sidoo kale taabtay iskaashi ballaaran oo heer gobol ah, si la isku waafajiyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Intii uu socday kulanka, Wasiir Fiqi ayaa muujiyay mahadnaq ballaaran oo ku aaddan doorka weyn ee Jabuuti ay ka qaadatay dhismaha dowladnimada Soomaaliya sannadihii la soo dhaafay. Wuxuu si gaar ah u xusay ka-qaybgalka firfircoon ee Jabuuti ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), isagoo ku tilmaamay caddeyn muujinaysa garab-istaag joogto ah iyo walaaltinimada dhabta ah ee ka dhaxaysa labada dal.
Kulanka heerka sare ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf, iyo mas’uuliyiin kale oo sare oo ka kala socday labada wafdi.