| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo xusay sannad-guuradii 88-aad ee geerida Ataturk
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa xusay Ataturk, oo hoggaamiyay Dagaalkii Xorriyadda Turkiga, isla markaana aasaasay Jamhuuriyadda
Turkiga oo xusay sannad-guuradii 88-aad ee geerida Ataturk
Madaxweyne Erdogan ayaa ka qaybgalay xuska sannad-guuradii 88-aad ee geerida Ataturk oo ka dhacday xarunta xusuusta Atatürk ee Anıtkabir ee Ankara / َAA

Turkiga ayaa Talaadadii xusay sannad-guuradii 88-aad ee geerida aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga, Mustafa Kemal Ataturk, iyadoo guud ahaan dalka laga sameeyay munaasabado lagu xusayo, dadkuna ay laba daqiiqo aamusnaan ku maamuuseen xusuustiisa.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa xusay Ataturk, oo hoggaamiyay Dagaalkii Xorriyadda Turkiga, isla markaana aasaasay Jamhuuriyadda.

“Waxaan naxariis Alle u rajeynayaa Gazi Mustafa Kemal Ataturk, aasaasihii Jamhuuriyaddeenna iyo Madaxweynaheennii ugu horreeyay, sannad-guuradii 88-aad ee geeridiisa,” ayuu Erdogan ku yiri farriin uu ku baahiyay barta X (oo horay u ahaan jirtay Twitter).

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay xubnihii Golaha Qaranka Turkiga ee ka qaybqaatay Dagaalkii Xorriyadda, isagoo ku ammaanay kaalintii ay ku lahaayeen dadaalladii horseeday aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga.

Turkiga oo laba daqiiqo u istaagay xusuusta Atatürk

Saacaddu markii ay ahayd 9:05 subaxnimo waqtiga Turkiga, oo ah xilligii uu Atatürk geeriyooday 10-kii Nofeembar 1938, ayaa guud ahaan dalka laga maqlay seeriyo, iyadoo dadku ay laba daqiiqo aamusnaan ah ku maamuuseen xusuustiisa.

Dadka ku sugnaa waddooyinka, goobaha shaqada, iyo meelaha kale ee gaadiidka ayaa hakiyay hawlihii ay wadeen, si ay xushmad ugu muujiyaan hoggaamiyihii aasaasay Jamhuuriyadda Turkiga.

Ataturk ayaa taariikhda Turkiga ku leh maqaam weyn, isagoo hoggaamiyay halgankii lagu xaqiijiyay in Anatooliya ay sii ahaato dhulka hooyo ee ummadda Turkiga, isla markaana dhidibbada u taagay Jamhuuriyadda casriga ah ee maanta.

Turkiga ayaa bishii hore u dabaaldegay sannad-guuradii 103-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda, oo la dhisay 29-kii Oktoobar 1923-kii.

XIGASHO:TRT World