Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa fuliyay duqeymo cirka ah oo lagu beegsaday fariisimo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaannada Cadow Jilib, Gayfo iyo Cordheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeymaha ayaa lagu dilay 26 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Waxaa kale oo lagu burburiyay gaari gaashaaman iyo booyad shidaal oo ay kooxda argagixisadu u adeegsanaysay dhaqdhaqaaqeeda iyo fulinta weerarrada argagixiso.
Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku baacsanayaan hoggaamiyeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana lagu wiiqayo awoodda kooxda ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada argagixiso.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya taageerada joogtada ah ee ay ka geystaan la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda howlgallada lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyeyaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.



















