| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble
Kulankan ayaa daba socda booqashooyin isbarasho oo Safiir Alkan uu Muqdisho kula yeeshay madaxdii hore ee Soomaaliya.
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble / Others

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa booqasho isbarasho ugu tagay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo ka wada hadlay xaaladda dalka, isbeddelladii ugu dambeeyay iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, labada dhinac ayaa kulankooda isku weydaarsaday aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan arrimaha dalka.

Danjire Alkan ayaa Rooble uga mahadceliyay kulanka iyo aragtiyihii uu la wadaagay, isagoo sidoo kale bogaadiyay kaalintii uu ka qaatay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga muddadii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa.

Kulankan ayaa daba socda booqashooyin isbarasho oo Safiir Alkan uu Muqdisho kula yeeshay madaxdii hore ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, kuwaas oo qayb ka ah kulammada uu la yeelanayo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

XIGASHO:TRT SOMALI