Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu khadka taleefanka kula hadlay shaqaalaha markabka Çağrı Bey ee loo sagootiyay hawlgalkii ugu horreeyay ee qodista shiidaalka gunta badda ee Soomaaliya, isla markaana uu u rajeeyay guul shaqaalaha loo igmaday hawshan.
Bayraktar ayaa qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ku soo bandhigay hadallo uu yiri Madaxweyne Erdoğan:
“Waxaan Alle ka baryayaa in safarkiinna uu noqdo mid khayr ku dhammaada. Safarkan oo socon doona ilaa bisha Abriil wuxuu noqon doonaa safar barakeysan, waxaana idinka sugeynaa insha’Allah war farxad leh oo naga soo gaara Soomaaliya. Insha’Allah qoditaanka shiidaalka, ma aha oo kaliya dalkeenna gudihiisa balse adduunka oo dhan ayaa laga maqli doonaa codka maraakiibta Turkiga, waanan gaarsiin doonnaa. Mar kale waxaan Eebbe idiinka baryayaa guul iyo tawfiiq.”



























