| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
SoDMA oo Qabatay Kulan Lagu Xoojinayo Isla Xisaabtanka Gargaarka Bani’aadannimo
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa qabatay kulan lagu xoojinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo ka hortagga leexsashada gargaarka bani’aadannimo, iyadoo diiradda la saaray waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
SoDMA oo Qabatay Kulan Lagu Xoojinayo Isla Xisaabtanka Gargaarka Bani’aadannimo
SoDMA oo Qabatay Kulan Lagu Xoojinayo Isla Xisaabtanka Gargaarka Bani’aadannimo

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa qabatay kulan muhiim ah oo lagu xoojinayo isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo tallaabooyinka looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadannimo, iyadoo diiradda lagu saaray diiwaangelinta gaadiidka, saadka iyo ganacsatada ka howlgala waddada Muqdisho–Baydhabo iyo deegaannada ku dhow.

Dr. Ismaaciil Jimcaale, Madaxa Horumarinta Mashaariicda ee SoDMA, ayaa furay kulanka, wuxuuna adkeeyay muhiimadda iskaashiga iyo wadaagista macluumaadka si loo xaqiijiyo in gargaarka bani’aadannimo uu si ammaan ah oo hufan u gaaro bulshooyinka loogu talagalay.

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan SoDMA, oo ay ka mid yihiin Agaasime Mukhtaar Sheekh, La-taliye Sare Maxamed Macallin iyo Maxamed Cadalle, ayaa sidoo kale ka qaybgalay dadaallada lagu xoojinayo isla xisaabtanka lagagana hortagayo leexsashada gargaarka.

XIGASHO:SONNA