Dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso oo si Rasmi ah uga Baxay Ururka ECOWAS
Saddexdan dal oo ay hoggaamiyaan milatarigu ayaa dhammaystiray habraacii ka bixitaankooda ururka, kaasoo markii hore lagu dhawaaqay sanad ka hor.
Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ururka maalinimadii Arbacada, ugu dambeyn dowladaha Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa si rasmi ah uga baxay Ururka Dhaqaalaha Galbeedka Afrika (ECOWAS), kadib sanad dadaal ah oo la doonayay in laga hortago burburka ururka. Saddexdan dal oo ay hoggaamiyaan milatarigu ayaa dhammaystiray habraacii ka bixitaankooda ururka, kaasoo markii hore lagu dhawaaqay sanad ka hor.
"Ka bixitaankoodu wuxuu maanta si rasmi ah u noqday mid dhaqan-gal ah," ayaa lagu yiri bayaanka ECOWAS.
Si kastaba ha ahaatee, ururka ayaa xusay in uu weli u furanyahay saddexdan dal, isagoo xubnaha kale ee ECOWAS ka codsaday in ay sii wadaan siinta Niger, Mali iyo Burkina Faso xuquuqda xubinnimada, sida xorriyadda dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta wata baasaboorka ECOWAS.
Ururka ECOWAS oo la aasaasay sanadkii 1975, ayaa loogu talagalay in uu xoojiyo iskaashiga iyo is-dhexgalka si kor loogu qaado heerka nololeed ee dadka gobolka, loogana shaqeeyo xasilloonida dhaqaalaha.
Tan iyo markaas, ECOWAS wuxuu noqday ururka ugu sareeya ee siyaasadda gobolka, isagoo wadashaqeyn la lahaa dowladaha xubnaha ka ah si wax looga qabto caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee ka jira wadamada Galbeedka Afrika.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah shacabka Galbeedka Afrika ayaa aaminsan in ECOWAS uu lumiyay taageerada dadweynaha, maadaama ay jiraan cabashooyin sheegaya in dadka aanay wax faa'iido ah ka helin kheyraadka dabiiciga ah ee dalalkooda.
Kadib markii ay talada la wareegeen ciidamada militariga ee Niger, Mali iyo Burkina Faso, waxay si cad u shaaciyeen in ay ka baxayaan ECOWAS, iyagoo bishii Sebtember aasaasay isbahaysiga amniga ee loo yaqaan Isbahaysiga Dalalka Saaxil (Alliance of Sahel States).