Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa furay tababar heer sare ah oo ku saabsan dhexdhexaadinta iyo xalinta khilaafaadka. Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowladda ee dhinaca dhexdhexaadinta, nabad-dhisidda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
Agaasimaha Guud ayaa sheegay in nabadda waarta aysan ku koobnayn oo keliya in khilaafaadka la xalliyo, balse ay sidoo kale muhiim tahay in hay’adaha dowladda loo diyaariyo xirfadaha iyo awoodaha ay ku maareyn karaan xiisadaha iyo khilaafaadka ka hor inta aysan sii xoogaysan, wadahadalka sii wadaan, isla markaana ay kalsooni ka dhex abuuraan bulshada iyo dhinacyada siyaasadda.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in xoojinta awoodda hay’adaha ay muhiim u tahay in geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya uu noqdo mid wax-ku-ool ah, ka hortagaya khilaafaadka inta aysan sii xumaan, isla markaana ay Soomaalidu si buuxda u leedahay oo ay hoggaaminayso.
Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale soo dhaweeyay iskaashiga joogtada ah ee Principles for Peace iyo Qaramada Midoobay, kuwaas oo Soomaaliya ka taageeraya horumarinta hababka dhexdhexaadinta, adkeynta awoodda hay’adaha iyo dadaallada muddada dheer ee nabad-dhisidda dalka.




























