Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha 6aad ee Hogaaminta iyo Hal-abuurka Dhalinyarada Soomaaliyeed, isaga oo jeediyay khudbad dhiirigelin iyo baaq toos ah oo ku socda jiilka cusub ee dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in awood-siinta dhalinyarada iyo kobcinta hal-abuurkooda ay tahay mudnaanta qaranka ee ugu sarreysa. Wuxuu ku boorriyay dhalinyarada inay qaataan waddo midnimo iyo isku-duubni ah, isaga oo ka digay saameynta qabiilka iyo kala-qoqobka oo uu ku tilmaamay caqabad wiiqaysa horumarka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu ku dhawaaqay isbeddello waaweyn oo ku saabsan shaqaaleysiinta dowladda. Wuxuu sheegay in dowladda DanQaran ay meel-garaynayso sharci cusub oo dib u habeynaya nidaamka shaqo qaadista, si loo hubiyo in boos kasta lagu buuxiyo hab furan, tartan ah, kana sal leh karti iyo aqoon. Tani waxay dammaanad qaadaysaa fursad loo siman yahay oo muwaadin kasta uu xaq u leeyahay.
“Si aad u horumaraysaan, kama raalli noqon kartaan meesha aad joogtaan,” ayuu dhallinyarada ku yiri. “Isbeddel iyo hal-abuur ku keen. Haddii aad rabtaan inaad hogaamiso, tusaale fiican noqda—taasina waa jidka aad dalka ugu horumarin kartaan.”
Isagoo ka hadlayay hoggaaminta iyo dowlad-dhiska, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku adkeeyay dhalinyarada inay “maskaxdooda cadaadiyaan” oo ay keenaan fikrado wax dhisa, isla markaana ay yeeshaan kalsooni qoto dheer oo ay dalkooda ku qabaan. Wuxuu xusay in dalal badan ay horumar ku gaareen aragtiyaha xooggan ee dad tiro yar, kuwaas oo keenay fikrado cusub oo dib u qaabeeya waddooyinka horumarka. Waxbarashada joogtada ah, cilmi-baarista, iyo adkaysiga ayuu ku sheegay laf-dhabarta guusha.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhalinyarada ku dhiirrigeliyay inaysan mustaqbalka ka cabsan, balse ay iyaga sameeyaan. Wuxuu ugu baaqay inay door ka qaataan go’aan-qaadashada dalka, gaar ahaan inay si buuxda uga qayb qaataan doorashooyinka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda.


















