Aljeeriya ayaa dib u fureysa safaaraddeeda Soomaaliya kadib ku dhowaad afartan sano, iyadoo Danjiraha cusub ee dalkaas, Maxamed Caliim, uu gaaray magaalada Muqdisho si uu u bilaabo howlaha dib u soo celinta joogitaanka diblomaasiyadeed ee Aljeeriya.
Danjiraha ayaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamza Aadan Xaadow, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Yuusuf Xasan Axmed, safiiro ka socda dalalka Carabta iyo wakiil ka socday Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Xamza Aadan Xaadow ayaa sheegay in dib u furista safaaradda Aljeeriya ay muujineyso sida ay uga go’an tahay labada dal xoojinta xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha gobolka.
Danjire Maxamed Caliim ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya iyo diblomaasiyiintii ku soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay inuu rajeynayo inuu ka shaqeeyo horumarinta xiriirka labada dal iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka.
Dib u furista safaaradda Aljeeriya ayaa timid kadib markii Soomaaliya ay bishii Janaayo 2025 dib u furtay safaaraddeeda magaalada Algiers, halka bishii Agoosto ee isla sanadkaas si rasmi ah loo daah-furay xarunta cusub ee safaaradda.
Labada dal ayaa sidoo kale xoojiyay xiriirkooda sannadihii u dambeeyay. Bishii Abriil 2025, Madaxweynaha Aljeeriya, Cabdulmajiid Tebboune, ayaa guddoomay waraaqaha aqoonsiga Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya.
Sidoo kale, booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Aljeeriya bishii Nofeembar 2025 ayaa lagu saxiixay heshiisyo dhowr ah oo iskaashi, oo ay ku jireen heshiisyo la xiriira fududeynta socdaalka diblomaasiyiinta.
Dib u furista safaaradda Aljeeriya ayaa qeyb ka ah dib u soo laabashada ergooyinka diblomaasiyadeed ee Muqdisho, kuwaas oo intooda badan xiray safaaradahooda xilligii burburka dowladdii dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wadday dadaallo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika iyo dunida Carabta.
Danjire Maxamed Caliim ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya, si uu si rasmi ah u bilaabo waajibaadkiisa diblomaasiyadeed.























