Ciidanka Suudaan ayaa Isniintii sheegay inay soo rideen diyaarad kale oo nooca FH-95 ah oo lagu sameeyay Shiinaha, meel u dhow magaalada Al-Obeid ee gobolka Waqooyiga Kordofan, xilli ay weli socdaan dagaallada ay kula jiraan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah (RSF).
War-saxaafadeed ay soo saareen, ciidanka ayaa sheegay in difaacyadooda cirka ay diyaarada ku qabteen waqooyi-galbeed ee magaalada Al-Obeid, oo ah caasimadda gobolka.
Ciidanku ma uusan shaacin cidda soo dirtay diyaaradda, hase yeeshee dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dagaalladu ay ku sii xoogeysanayaan gobolka Waqooyiga Kordofan, halkaas oo RSF ay toddobaadyadii u dambeeyay kordhisay weerarrada ay ku fuliso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
FH-95 waa diyaarad aan duuliye lahayn oo uu samayeeyay dalka Shiinuhu, waxaana loogu talagalay hawlgallada sahanka, la socodka iyo dagaalka elektaroonigga ah, iyadoo hawada ku jiri karta in ka badan 24 saacadood.
Diyaaraddan ugu dambeysay ee la soo riday ayaa noqotay tii afaraad ee nooca FH-95 ah oo ciidanka Suudaan ay ku dhawaaqaan inay soo rideen wax ka yar hal bil gudaheed. Waxaa ka horreeyay diyaarado lagu soo riday Omdurman 7-dii Luulyo, Tendelti ee gobolka White Nile 2-dii Luulyo, iyo waqooyiga Tawila ee gobolka Waqooyiga Daarfuur 23-dii Juun.
Mas’uuliyiinta Suudaan iyo ururrada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ayaa RSF ku eedeeyay inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku beegsato kaabeyaasha rayidka, taas oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray shacabka. Kooxdu weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymahaas, waxayna sheegtaa inay ujeeddadeedu tahay ilaalinta shacabka.
Bishii hore, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay koror weyn oo ku yimid weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka socda gobolka Kordofan, iyadoo sheegtay in ugu yaraan 880 qof oo rayid ah ay ku dhinteen intii u dhexeysay Janaayo iyo Abriil ee sannadkan.
Tan iyo Abriil 2023, RSF waxay dagaal kula jirtaa ciidamada Suudaan, waxaana colaaddaasi ay sababtay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ugu daran dunida, iyadoo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof isla markaana ay ku barakeceen ku dhowaad 13 milyan oo kale.



















