Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Khamiistii waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo loosoo magacaabay caasimadda Ankara.
Erdogan ayaa si gooni gooni ah ugu soo dhaweeyay xarunta madaxtooyada ee Ankara Jaime Ramon Torre Ascalon oo ka socda Filibiin, Anthony Mwaniki Muchiri oo ka socda Kenya, Luz Betty Caballero Morales oo ka socota Peru, Sergey Vasilievich Vershinin oo ka socda Ruushka, iyo Yenniffer Edilma Parra Moscoso oo ka socota Kolombiya.
Munaasabaddan ayaa ah mid muujinaysa sida Turkiga uu u qiimeeyo xiriirka diblomaasiyadeed ee caalamiga ah, iyadoo danjireyaasha cusub ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan xoojinta xiriirka Turkiga iyo dalalka ay matalaan.
Iskaashiga cusub ee ka dhaxeeya Turkiga iyo dalalkan ayaa la filayaa in uu horseedo fursado cusub oo ganacsi, amni, iyo iskaashi bulsho.




















