Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya: 868 argagixiso oo lagu dilay duqeymo cirka ah tan iyo Febraayo

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

By
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi,

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, oo Arbacadii warbixin siinayay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, ayaa shaaca ka qaaday in 220 duqeyn oo cirka ah oo la beegsaday argagixisada la fuliyay tan iyo bishii Febraayo ee sanadkan, 2025.

Wasiir Fiqi wuxuu xaqiijiyay in duqeymahan lagu dilay 868 ka tirsan Khawaarijta. Waxaa sidoo kale duqeymahan lagu dilay 52 horjooge oo sare oo ka tirsan kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ciidamadu ay "muujiyeen geesinimo aan caadi ahayn, naf-hurnimo, iyo adkeysi ay ku difaacayaan qaranka", ayna "dalka difaaceen, dhul ballaaranna ka xoreeyeen" kooxaha argagixisada. Wuxuu si gaar ah u xusay in ciidamadu ay si buuxda u sugeen amniga inta u dhaxaysa Xarardheere iyo Muqdisho.

Tan iyo dabayaaqadii 2024-kii, Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada amniga ee Puntland ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee ka dhanka ah argagixisada ee gobollada koonfurta, bartamaha iyo gobolka Bari, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar, Soomaaliya ayaa la soo sheegay inay fulisay duqeyn ay ku dishay horjooge sare oo Al-Shabaab ah oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Xamuud (Jacfar Gurey).

Wasiir Fiqi wuxuu kaloo sheegay in dowladda Soomaaliya ay si dhow ula shaqeyneyso saaxiibada caalamka si loo helo taageero dhinacyada tababarka, duqeymaha iyo qalabeynta ciidanka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa sheegay in dib loo billaabay habeynta ciidamada si loo helo ciidan awood leh. Wuxuu xusay in intii u dhaxaysay 2022–2025 la fuliyay howlgallada “Kaaha Waaberi” iyo “Ileys”, oo lagu daciifiyay awoodda cadowga.