Fidan oo sameeyey xiriirro khadka taleefoonka ah kadib weerarradii Mareykanka & Israa’iil ee Iiraan

Diblomaasiyiinta sare ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay iyo tallaabooyinka suurtagalka ah ee lagu soo afjari karo iska horimaadka.

By
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa sameeyey xiriirro khadka taleefoonka ka dib weerarradii Maraykanka iyo Israa'iil lagu qaaday Iiraan. / AA Archive

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Sabtidii wada-hadallo khadka taleefoonka ah oo kala duwan la yeeshay dhiggiisa Iiraan, Ciraaq, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Indonesia kadib weerarradii ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan.

Sida ay sheegeen ilo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, Fidan ayaa si gaar gaar ah ula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Araghchi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciraaq Fu’aad Xuseen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Cabdelatty, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia Sugiono.

Diblomaasiyiinta sare ayaa ka wada hadlay horumarradii ugu dambeeyay ee gobolka iyo tallaabooyinka suurtagalka ah ee lagu joojin karo weerarrada.

Israa’iil iyo Mareykanka ayaa waaberigii Sabtida weerar ku qaaday Iiraan, iyagoo ku sababeeyay khataro la sheegay inay ka imanayaan “nidaamka Iiraan.”

Madaxweyne Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa labaduba baahiyey farriimo muuqaal ah.

Weerarradan ayaa yimid xilli wada-hadallo u dhexeeyay Washington iyo Tehran oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan ay socdeen iyadoo Cummaan dhexdhexaadinayso. Halka wareeg cusub oo wada-hadallo ah oo ka dhacay Geneva ay soo gabagaboobeen Khamiistii.

Israa’iil ayaa sidoo kale bishii Juun ee la soo dhaafay billowday dagaal socday 12 maalmood oo ka dhan ah Iiraan, iyadoo Mareykanku markii dambe ku biiray isla markaana duqeeyay saddex xarumood oo ka mid ah goobaha nukliyeerka ee Iiraan.