Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qayb gashay Kulankii 28-aad ee Guddiga Saraakiisha Sare ee Ururka Iskaashiga Dalalka Ku Teedsan Badweynta Hindiya (Indian Ocean Rim Association – IORA), kaas oo lagu qabtay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya intii u dhexeysay 15’kii ilaa 16’kii Juun 2026.
Soomaaliya ayaa waxaa kulankan labada maalmood socday ku matalay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya, Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa, isaga oo uga qayb galay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista guulihii ururku gaaray sannadkii la soo dhaafay, qiimeynta caqabadaha waaweyn ee horyaalla dowladaha xubnaha ka ah ururka, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya waddamada IORA. Doodaha ayaa sidoo kale taabtay sidii loo horumarin lahaa wada-shaqeynta gobolka ee dhinacyada amniga badda iyo horumarinta dhaqaalaha ee dalalka ku teedsan Badweynta Hindiya.
Saraakiisha sare ayaa sidoo kale ka shaqeeyay diyaarinta talooyin iyo ajandayaal mudnaan leh oo loo gudbin doono Kulanka Golaha Wasiirrada ee Ururka IORA ee soo socda. Soo jeedimahan ayaa la filayaa inay hagaan qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo iskaashiga gobolka, hagaajinta maamulka badaha, iyo horumarinta nolosha bulshooyinka ku nool hareeraha Badweynta Hindiya.
Ka qaybgalka Soomaaliya ee kulankan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka iyo ka qaybqaadashada dadaallada lagu horumarinayo xasilloonida, isku xirnaanta, iyo horumarka waara ee dalalka ku teedsan Badweynta Hindiya.






















