Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan sumcadda caasimadda Muqdisho

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan jeediyay xilli uu xarigga ka jarayay waddo laami ah oo casri ah oo laga hirgeliyay degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Buulo-Xuubey.

By
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan sumcadda caasimadda Muqdisho / OPM Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Muqdisho inay si firfircoon uga qayb qaataan ilaalinta amniga, horumarka iyo sumcadda Caasimadda, isagoo ballanqaaday in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto maalgashiga ballaaran ee lagu sameynayo adeegyada bulshada iyo dib-u-dhiska waddooyinka muddada dheer burbursanaa.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa hadalkan jeediyay xilli uu xarigga ka jarayay waddo laami ah oo casri ah oo laga hirgeliyay degmada Wadajir, gaar ahaan xaafadda Buulo-Xuubey. Waddadan cusub oo dhererkeedu gaarayo ku dhowaad laba kiiloomitir, ayaa qayb ka ah dadaallada ballaaran ee xukuumadda ay ku casriyeynayso kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Muqdisho ay gashay isbeddel iyo dib-u-habeyn ballaaran, iyadoo amniga iyo xasiloonida ay si weyn u soo hagaageen. Wuxuu xusay in horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay door muhiim ah ka ciyaaraan sugidda amniga, fududeynta isu-socodka, gurmadka deg-degga ah iyo kobaca dhaqaalaha.

"Waxaan ugu baaqayaa dadka reer Muqdisho inay ilaaliyaan nabadgelyada magaalada, dhawraan sumcaddeeda, oo aysan marnaba oggolaan in dib loogu laabto wixii hore," ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. "Dadka qaar weli waxay haystaan xasuustii hore ee Muqdisho, laakiin Muqdisho-da maanta ma ahan tii aad taqaaneen. Magaaladu way soo kabatay, haddana waxay ka mid tahay caasimadaha ugu amniga badan uguna korriimada badan, wayna sii socon doontaa."

Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay dadweynaha Muqdisho isbeddelka dhanka fikirka ah ee ay sameeyeen, kaas oo suurta-galiyay horumar tobankii sano ee lasoo dhaafay loo arkayay mid aan macquul ahayn. Wuxuu guushan ku tilmaamay miro-dhal ka dhashay wadashaqeynta dhow ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka.

Wuxuu intaas ku daray baaq ku aaddan ilaalinta hantida dadweynaha, nadaafadda, iyo xoojinta amniga oo ay bulshadu hormuud ka tahay. Sidoo kale, wuxuu ku dhiirrigeliyay dadweynaha inay ka qayb qaataan barnaamijyada dhireynta magaalada (Urban Greening) si loo helo deegaan caafimaad qaba oo la jaan-qaadaya mashaariicda horumarineed.

Ugu dambeyntii, Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa xaqiijiyay in xukuumadda ay ka go’an tahay fulinta mashaariic waaweyn oo kor u qaadaya nolosha dadka, xoojinaya kalsoonida dadweynaha, kana dhigaya Muqdisho caasimad casri ah, ammaan ah, oo barwaaqo ah.