| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza
Hadalka Midowga Yurub ayaa yimid kaddib markii Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, uu sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay bixitaanka Falastiiniyiinta Qaza u fududeyso “badda, cirka iyo waddo kasta oo suurtagal ah.”
Midowga Yurub oo diiday isbeddel lagu sameeyo bulshada iyo dhulka Qaza
Qaza: Barakacayaal Falastiini ah oo la tacaalaya nolol maalmeedka kaddib burburka baaxadda leh ee ay geysteen weerarrada Israa’iil / َAA

Midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo isku day kasta oo lagu beddelayo qaab-dhismeedka bulshada ama dhulka Marinka Qaza, isagoo mar kale xaqiijiyay in Qaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto ay tahay inay hoos yimaadaan hal maamul oo Falastiin ay leedahay.

Afhayeenka Guddiga Yurub, Christian Wigand, ayaa sheegay in mowqifka Midowga Yurub uu si buuxda ula jaanqaadayo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2735.

“Waxaan ka soo horjeednaa isku day kasta oo lagu sameynayo isbeddel dhinaca bulshada ama dhulka ah oo ka dhaca Marinka Qaza,” ayuu Wigand sheegay Jimcihii. Wuxuu hadalkan kaga jawaabayay su’aal laga weydiiyay bayaan kasoo baxay mas’uuliyiin Israa’iili ah oo la xiriiray qorshayaal lagu barakicinayo Falastiiniyiinta Qaza.

Wigand ayaa sidoo kale sheegay in aan la aqbali karin in barakicin khasab ah lagu sameeyo shacabka Qaza, isagoo carrabka ku adkeeyay in Qaza ay tahay qayb muhiim ah oo ka tirsan dowlad Falastiin oo mustaqbalka la yagleelo.

“Ma dhici karto in barakicin khasab ah lagu sameeyo dadka Qaza. Qaza waa qayb aan la kala goyn karin oo ka mid ah dowlad Falastiin oo mustaqbalka dhalata,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa hadallada kicin kara xiisadda ku tilmaamay kuwo aan marnaba la aqbali karin, isagoo hoosta ka xariiqay in dhammaan dhinacyadu ay tahay inay xoogga saaraan dejinta xaaladda beddelkii ay sii hurin lahaayeen xiisadda.

Hadalka Midowga Yurub ayaa yimid kaddib markii Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, uu sheegay in dowladdiisu diyaar u tahay inay bixitaanka Falastiiniyiinta Qaza u fududeyso “badda, cirka iyo waddo kasta oo suurtagal ah.”

Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa isaguna dhankiisa soo bandhigay qorshe dhigaya in 1.86 milyan oo Falastiiniyiin ah ay Qaza ka baxaan muddo toddobo sano gudahood ah, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay “hijro ikhtiyaari ah.”

Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada, in si khasab ah dad rayid ah looga raro dhul la haysto waa arrin mamnuuc ah, waxaana xaaladaha qaarkood loo aqoonsan karaa dembi dagaal.

XIGASHO:َAA
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Safiirrada Dalalka Carabta, Kalana Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Wasiirka Deegaanka oo ku Baaqay Xalal ku Saleysan Cilmi-baaris si Loo Xoojiyo Adkeysiga Soomaaliya
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah