| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya: hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab oo la dilay
Hay’adda ayaa sarkaalkan ku tilmaamtay inuu ahaa "maskaxdii iyo isku-duwihii" ka dambeeyey weerarro lagu qaaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Muqdisho.
Soomaaliya: hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab oo la dilay
Sida ay sheegtay NISA, daba-galka sarkaalkan ayaa socday muddo ka badan 150 maalmood. / TRT SOMALI
3 Maarso 2026

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in howlgal qorsheysan lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo lala xiriirinayo weerarro dhowr ah oo khasaare badan dhaliyey.

Sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay NISA, howlgalka oo ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga degmada Awdheegle, ayaa lagu beegsaday sarkaalkan oo adeegsan jiray magacyo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin Kamaaludiin Yuunis Maxamed iyo Caraale.

Hay’adda ayaa sarkaalkan ku tilmaamtay inuu ahaa "maskaxdii iyo isku-duwihii" ka dambeeyey weerarro lagu qaaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla caasimadda Muqdisho.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in hoggaamiyahan uu maamuli jiray shabakadihii fuliyey weerarkii Godka Jilcaow (Oktoobar 2025), weerarkii Kulliyadda Jaalle Siyaad (Luulyo 2025), iyo kii ka dhacay Dugsiga Tababarka Jeneraal Dhega-Badan ee bishii Diseembar 2025.

Sida ay sheegtay NISA, daba-galka sarkaalkan ayaa socday muddo ka badan 150 maalmood.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in howlgalka si gaar ah loogu tixgeliyey badqabka dadka rayidka ah, maadaama sarkaalku uu gabaad ka dhigan jiray deegaanno dadku ku badan yihiin oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Dilka sarkaalkan ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo laga gaaray wiiqida awoodda qorsheynta ee kooxda Al-Shabaab.

XIGASHO:TRT SOMALI