Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaan Cali, ayaa Arbacadii jeediyay khudbaddii furitaanka ee maalintii labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF 2026), oo lagu qabtay hal-ku-dhigga "Soomaaliya oo Maraysa Marxalad Xasaasi ah: Xoojinta Xasilloonida, Midnimada iyo Horumarka."
Madashan oo ay soo qabanqaabiyeen Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda iyo Jaamacadda City University of Mogadishu ayaa isugu keentay siyaasad-dejiyeyaal, aqoonyahanno, bahwadaagta horumarinta iyo khubaro si ay uga wada hadlaan mudnaanta horumarinta qaranka Soomaaliya.
Khudbaddiisa, wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku saleysan yahay hay’ado sii xoogeysanaya, lahaanshaha qaranka, adkeysiga shacabka iyo iskaashi wax-ku-ool ah oo lala yeesho saaxiibada caalamiga ah. Wuxuu mar kale xaqiijiyay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay nabadda, midnimada qaranka, madaxbannaanida, horumar waara iyo wada-hadal loo dhan yahay.
Wasiirka ayaa sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ku qabo in doodaha ka socda madashu ay soo saari doonaan talooyin wax-ku-ool ah oo ku saleysan caddeymo, kuwaas oo gacan ka geysan doona dhismaha Soomaaliya xasilloon, barwaaqo ah oo adkeysi leh.




















