| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Safiirka Shiinaha Wang Yu kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan iskaashiga u dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya / SONNA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan kor u qaadista iskaashiga iyo xiriirka u dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal.

Guddoomiyaha ayaa Dawladda iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay saaxiibtinimada iyo taageerada muddada dheer ay u hayeen Soomaaliya, gaar ahaan sida joogtada ah ee Shiinuhu u ixtiraamo una taageero madaxbannaanida, midnimada, gobannimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay inuu sii xoojiyo saaxiibtinimada iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo shacabkooda.

XIGASHO:SONNA