| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo EU oo Xoojinaya Iskaashiga Warbaahinta iyo La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ku saabsan ololayaasha wacyigelinta bulshada, ka hortagga wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, iyo wax ka qabashada si khaldan u adeegsiga baraha bulshada.
Soomaaliya iyo EU oo Xoojinaya Iskaashiga Warbaahinta iyo La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah
Soomaaliya iyo EU oo Xoojinaya Iskaashiga Warbaahinta iyo La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Arbacadii magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta warbaahinta, wacyigelinta bulshada, iyo la-dagaallanka wararka marin-habaabinta ah.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ku saabsan ololayaasha wacyigelinta bulshada, ka hortagga wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, iyo wax ka qabashada si khaldan u adeegsiga baraha bulshada, kuwaas oo khatar ku noqon kara amniga, xasilloonida, iyo wadajirka bulshada.

Wasiir Cabdifataax ayaa ku ammaanay Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya dhinacyada dib-u-dhiska dowladnimada, horumarinta warbaahinta, maamulka wanaagsan, iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinacyada warbaahinta casriga ah, dhaqanka, iyo dalxiiska.

Danjire Francesca Di Mauro ayaa dhankeeda dib u xaqiijisay sida Midowga Yurub uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan horumarinta warbaahinta, xoojinta awoodda bulshada ee ka hortagga wararka marin-habaabinta ah, iyo taageeridda xasilloonida iyo horumarka qaranka.

XIGASHO:SONNA