| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqulo ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal cusub
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa nuqullo ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal cusub oo laga soo magacaabay dalalka Ciraaq, Mauritania, Ivory Coast, Venezuela, Mexico, Ghana iyo Itoobiya.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo nuqulo ka mid ah warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaal cusub
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali. / User Upload
5 Agoosto 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Isniintii, xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirro cusub oo loo soo magacaabay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safiirrada cusub ayaa ka kala socday dalalka kala ah, Jamhuuriyadda Ciraaq, Safiir Dr. Qahthan Taha Khalaf Al-Janabi, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Mauritania, Safiir Al-Husseini Sidi Abdullahi Al-Daih, Jamhuuriyadda Ivory Coast, Safiir Maes Ennio, Jamhuuriyadda Bolivaria ee Venezuela, Safiir Marwo Moravia Peralta Hernandez, Mexico, Safiir Alejandro Ives Estivill Castro, Jamhuuriyadda Ghana, Safiir Dr. Robert Afriyie, iyo Itoobiya, Safiir Suleiman Dedefo Woshe.

Wasiir Cabdisalaan ayaa si diirran u soo dhaweeyay safiirrada, waxaana uu u rajeeyay safiir kasta inuu ku guulaysto howlaha diblomaasiyadeed ee loo xil-saaray. Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee kala dhexeeya dal waliba.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ay diyaar u tahay fududaynta howlaha diblomaasiyadeed si loo xoojiyo xiriirka walaaltinimo iyo saaxibtinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkooda.

Kulanka ayaa la iskula soo hadal-qaaday himilooyinka wadaagga ah ee labada dhinac, oo ay ka mid yihiin sare-u-qaadidda iskaashiga iyo danaha wadaagga ah. Wasiir Cabdisalaan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in muddada xil-hayntooda ay bog cusub u furi doonto xiriirka labada dal ee walaalaha iyo saaxiibada ah.

XIGASHO:TRT SOMALI