Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cali Cumar, ayaa Isniintii xarunta Wasaaradda ku qaabilay xubno ka tirsan Baarlamaanka Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA).
Wafdiga ayaa ka koobnaa xildhibaanno ka socday Rwanda, Uganda, Kenya, Burundi, Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya, waxaana ku weheliyey Agaasimaha Guud ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), Maxamed Faatir.
Xildhibaannada booqashada ku yimid ayaa sheegay inay indhahooda ku arkeen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, waxayna ammaaneen horumarka muuqda ee magaalada Muqdisho. Wasiirka, oo ay ku wehliyeen agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, ayaa sharaxay mudnaanta istaraatiijiga ah ee Soomaaliya ay ka leedahay ganacsiga gobolka ee EAC, wuxuuna ugu baaqay xildhibaannada inay taageeraan dadaalladan marka laga doodayo Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika (EALA).























