Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib munaasabad xil-wareejin ah oo uu xilka kala wareegay Garsoore Cabdullaahi Xaaji Maxamed.
Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caddaaladda, Xasan Macallin, Guddoomiyaha Maxkamadaha Racfaanka, Saciid Cali Maxamed, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Asluubta, Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, xubno ka tirsan bahda sharciga iyo wakiillo ka socday hay’adaha garsoorka dalka.
Guddoomiye Ibraahim oo ka hadlay munaasabadda ayaa shaqaalaha Maxkamadda Sare ugu baaqay inay xaqiijiyaan sii socoshada howlaha ka socda Maxkamadda. Waxa uu sidoo kale ballanqaaday inuu dardargelin doono dadaallada lagu horumarinayo garsoorka, lagu xoojinayo caddaaladda, lagu dhowrayo sarreynta sharciga, laguna ilaalinayo madaxbannaanida garsoorka.
Munaasabaddan xil-wareejinta ayaa astaan u ah bilowga rasmiga ah ee muddada uu Ibraahim Iidle Suleymaan hoggaaminayo Maxkamadda Sare ee Soomaaliya.






















