Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa furay kulan wadatashi ah oo lagu eegayo laguna ansixinayo qabyo-qoraalka siyaasadda qaran ee dekedaha iyo gaadiidka badda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo wadatashiga qabyo-qoraalka siyaasadda dekedaha iyo gaadiidka badda, si loo dejiyo hannaan siyaasadeed oo hagaya horumarinta iyo maamulka dekedaha Soomaaliya iyo waaxda gaadiidka badda.
Kulanka waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah hay’adaha dowladda iyo maamulka Dekedda Muqdisho, kuwaas oo ka qayb qaatay wadatashiga ku saabsan siyaasadda iyo horumarinta adeegyada dekedaha iyo gaadiidka badda.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ay ku horumarinayso siyaasadaha iyo xeerarka hagaya waaxda badda, si loo hagaajiyo adeegyada dekedaha loona xoojiyo doorka ay ku leeyihiin kobaca dhaqaalaha dalka.























