| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Diidday Faragelinta Joogtada ah ee Imaaraadka Carabta
Soomaaliya ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeysay faragelin lagu hayo arrimaheeda gudaha, iyadoo Dowladda Federaalka ay ballanqaadday inay adeegsan doonto dhammaan tallaabooyinka sharciga waafaqsan si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka qaranka.
Soomaaliya oo Diidday Faragelinta Joogtada ah ee Imaaraadka Carabta
Soomaaliya oo Diidday Faragelinta Joogtada ah ee Imaaraadka Carabta / SONNA

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay faragelinta joogtada ah ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in faragelintaasi ay wiiqeyso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.

Iyadoo tixraaceysa khudbaddii uu Talaadadii shacabka u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay inay diiddan tahay xiriir kasta oo shisheeye ama heshiisyo amni oo barbar socda kuwa dowladda, kuwaas oo laga tallaabsado Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah hay’adda keliya ee awoodda u leh maamulidda xiriirka arrimaha dibadda ee dalka.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Imaaraadka Carabta inay xiriirkeeda Soomaaliya si gaar ah ula yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo Axdiga Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay in walaaca ay qabto uu si gaar ah ula xiriiro siyaasadaha Dowladda Imaaraadka Carabta, balse uusan khuseyn saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhexeysa shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Imaaraadka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee sharciga waafaqsan, si loo ilaaliyo madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaranka Soomaaliyeed.

XIGASHO:SONNA