Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Soomaaliya ahna La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dhaqaalaha, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa Axaddii gaaray Algiers si uu uga qayb galo kulamo dhaqaale iyo furitaanka kalfadhiga saddexaad ee caadiga ah ee Golaha Qaranka Dhaqaalaha, Bulshada iyo Deegaanka ee Algeria.
Dr. Hoosow waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Garoonka Caalamiga ah ee Algiers dhiggiisa Algeria, Prof. Mohamed Bukhari, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
SHEEKOOYIN KALE
Kulamada iyo munaasabadda furitaanka ayaa lagu wadaa inay ka dhacaan Algiers 29-ka ilaa 30-ka Sebtembar 2026.
XIGASHO:SONNA





















