| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun, oo lagu horumarinayo waraabka beeraha, maaraynta biyaha iyo yareynta khatarta fatahaadaha.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun / SONNA

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Arbacadii deegaanka Saabuun ee gobolka Shabeellaha Dhexe kaga qeyb galay munaasabad lagu dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun.

Mashruucan ayaa loogu talagalay in lagu hagaajiyo maaraynta biyaha Webiga Shabeelle, kor loogu qaado waraabka beeraha, isla markaana lagu yareeyo khatarta fatahaadaha saameeya deegaannada ku teedsan webiga.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dib-u-dayactirka biyo-xireenku uu yahay maalgashi muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan beeraleyda ku nool dooxada Shabeelle, isagoo xusay inuu gacan ka geysan doono kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo sugnaanta cuntada.

“Maanta Saabuun uma aynaan iman inaan dhagax keliya dhigno, balse waxaan u nimid inaan dib u soo nooleyno halbowlihii biyaha iyo beeraha ee deegaankan,” ayuu yiri Jibriil.

Waxa uu tilmaamay in Biyo-xireenka Saabuun, oo la dhisay sanadkii 1925-kii, uu muddo dheer ka mid ahaa kaabayaasha muhiimka ah ee lagu maareeyo biyaha Webiga Shabeelle laguna taageero wax-soo-saarka beeraha.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan siinayso horumarinta kaabayaasha biyaha iyo waraabka, kuwaas oo muhiim u ah kordhinta wax-soo-saarka dalka iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada.

Waxa uu intaas ku daray in mashruucu uusan ku koobnayn oo keliya dayactirka biyo-xireenka, balse uu qayb ka yahay Barnaamijka Kaydinta Biyaha ee Jowhar (JOSP) iyo qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda Soomaaliya ee maaraynta khayraadka biyaha.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah
Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga iyo Deeqaha Waxbarasho
Soomaaliya oo Haysa Jidka Kobaca Dhaqaalaha Inkastoo ay Jiraan Caqabado Caalami ah: Wasiir Biixi
Madaxda Afrika oo Abiy Ahmed ugu hambalyeeyay dib-u-doorashadiisa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya