| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Qoyska oo hoggaamisay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka
Kulanka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday UNDP, UNTMIS, wasaaradaha dowlad-goboleedyada, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo ururrada bulshada rayidka.
Wasiirka Qoyska oo hoggaamisay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka
Wasiirka Qoyska oo hoggaamisay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa Isniintii guddoomisay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Hagista Barnaamijka Haweenka, Nabadda iyo Ilaalinta wajigiisa labaad.

Kulanka waxaa ka qayb galay wakiillo ka socday UNDP, UNTMIS, wasaaradaha dowlad-goboleedyada, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha iyo ururrada bulshada rayidka. Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa hoggaaminta, isla-xisaabtanka iyo isku-duwidda hirgelinta wajiga labaad ee barnaamijka WPP.

Barnaamijkan ayaa qorshihiisu yahay inuu gaaro 6,000 oo qof, iyadoo 60 boqolkiiba ka faa’iideystayaasha ay noqon doonaan haween iyo gabdho, halka 40 boqolkiiba ay noqon doonaan rag iyo wiilal.

Mashruucan oo socon doona muddo 24 bilood ah ayaa laga fulin doonaa gobolka Banaadir iyo dowlad-goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Puntland, Galmudug iyo Waqooyi Bari Soomaaliya, iyadoo ujeeddadiisu tahay xoojinta doorka haweenka ee nabadda, ilaalinta iyo horumarinta bulshada.

XIGASHO:SONNA