Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa olole siyaasadeed ugu jira sidii uu taageero uga heli lahaa odayaasha dhaqanka ee dalka si loogu guuro nidaamka doorashooyinka qof iyo codka ah, isagoo wacad ku maray in aan dib looga noqon doonin qorshahaas.
Madaxweynaha ayaa arrintan ka sheegay munaasabad casho sharaf ah oo uu Isniintii madaxtooyada ugu sameeyay hoggaanka dhaqanka oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka, taas oo qayb ka ah dadaallada ay madaxtooyadu ku doonayso in ay ku dardargeliso isbeddelada nidaamka dowladeed.
Intii uu kulanku socday, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dooddiisa ku dhisay in hannaankii doorashooyinka dadbanaa ee dalka ka dhacayay sanadihii la soo dhaafay ay asaas u ahaayeen amni-darro iyo dhibaatooyin siyaasadeed oo dalka ragaadiyay.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in la gaaray xilligii muwaadiniinta Soomaaliyeed loo soo celin lahaa xaqa ay u leeyihin in ay si toos ah u doortaan hoggaamiyeyaashooda, xuquuqdaas oo uu sheegay in ay shacabka ka maqnayd muddo 57 sano ah.
Wuxuu si toos ah ugu baaqay odayaasha dhaqanka, oo door taariikhi ah ku leh siyaasadda dalka, in ay garab istaagaan isbeddelkan dimuqraadiga ah si loo helo matalaad dhab ah.
Dhinacooda, xubnihii ku hadlay magaca hoggaanka dhaqanka ayaa muujiyay in ay bogaadinayaan guulaha ay xukuumaddu ka gaartay dhinacyada amniga, hawlgallada milatari ee ka dhanka ah kooxaha hubeysan, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo daadejinta maamulka.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay dowladda federaalka ahi waddo qorsheyaal isbeddel loogu samaynayo nidaamka doorashooyinka dalka, inkastoo qaabka loo marayo isbeddeladaas ay weli wajahaan diidmo iyo dhaliilo ka imanaya qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul goboleedyada.



















