Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray kumannaan askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo muddo ku dhow hal sano tababar milatari ku qaadanayay Dugsiga Xananbuure ee gobolka Galguduud.
Ciidamadan oo laga soo qoray dhammaan deegaannada dalka ayaa dhammaystay tababarkooda aasaasiga ah ee ciidannimo, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Sida uu sheegay taliska Ciidanka Xoogga Dalka, cutubyadan cusub ayaa qaatay duruus ciidan oo dhammaystiran, taas oo isugu jirta xeeladaha dagaalka, anshaxa iyo shuruucda ciidanka, iyo xirfadaha difaaca ee lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadka qaranka.
Intii ay munaasabaddu socotay, askarta qalin-jabisay ayaa soo bandhigay dhoolatus milatari iyo gaada-ka-ciyaar ay ku muujinayeen xirfadihii ay barteen.
Tallaabadan ayaa loo arkaa horumar weyn oo laga gaaray dib-u-dhiska ciidamada, maadaama ay tahay markii ugu horreysay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee dalka in ciidamo tiradoodu ay kumanaan gaarayso ay tababar heerkan ah si buuxda ugu qaataan gudaha Soomaaliya, beddelkii tababaro loogu diri jiray dalalka dibadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay ciidamada ayaa qalin-jabintooda ku tilmaamay astaan muujinaysa soo kabashada dowladnimada iyo dhismaha awoodda milatari ee dalka.
Wuxuu ciidamada kula dardaarmay inay dhawraan anshaxa iyo sharafta ciidannimo, difaacaan midnimada iyo madax-bannaanida dalka, waajibaadkoodana ay u gutaan daacadnimo iyo waddaniyad, isagoo xusay inay si rasmi ah ugu biiri doonaan safafka hore ee difaaca qaranka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ay xambaarsan yihiin mas’uuliyad weyn oo ah difaaca dhulka iyo dhowrista madax-bannaanida dalka.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay noqdaan geesiyaal lagu daydo oo muujiya waddaniyad, isagoo u rajeeyay in magacyadooda lagu xuso taariikhda ciidanka.
Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), Wasiirka Hawlaha Guud, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, maamulka gobolka Galguduud, kan magaalada Dhuusamareeb iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan laamaha amniga.






















