| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Hantidhowraha Guud ee JFS oo Kulan La Qaatay Wakiilka Shirkadda Favori LLC ee Soomaaliya
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil iyo la-taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka, ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta.
Hantidhowraha Guud ee JFS oo Kulan La Qaatay Wakiilka Shirkadda Favori LLC ee Soomaaliya
Hantidhowraha Guud ee JFS oo Kulan La Qaatay Wakiilka Shirkadda Favori LLC ee Soomaaliya

Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, ayaa magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah kula qaatay Wakiilka Shirkadda Favori LLC ee Soomaaliya, Mustafa Durgut.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil iyo la-taliyeyaal ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka, ayaa ahaa mid diiradda lagu saarayay xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

Waxaana si qoto dheer looga wada hadlay sidii shirkadda Favori ay u dadejin lahayd fulinta talooyinkii ka soo baxay baaritaan dhinaca maaliyadda ah oo xafiisku uu horay ugu sameeyay hannaanka ay shirkaddu u maamusho dakhliga garoonka.

Sida lagu sheegay xogta kulanka laga soo saaray, doodaha ayaa xoogga saarayay in shirkaddu ay hagaajiso warbixinnadeeda maaliyadeed, ayna waqtigii loogu talagalay ku dhaqangeliso awaamiirta hantidhowrka.

Qodobada ugu waaweyn ee la isku afgartay waxaa ka mid ah in shirkadda Favori ay si buuxda u meelmariso Heshiiska Dheef-wadaagga ah ee ay kula jirto Dowladda Soomaaliya, iyo in la xaqiijiyo in shirkado hantidhowr oo madax-bannaan ay baaritaan sanadle ah ku sameeyaan xisaabaadka Favori LLC.

Dhinaca kale, Wakiilka shirkadda Favori, Mustafa Durgut, oo kulanka ka hadlay ayaa caddeeyay inay ka go’an tahay adkeynta wada-shaqeynta Xafiiska Hantidhowrka Guud. Wuxuuna ballan-qaaday in shirkaddu ay hirgelin doonto talooyinka baarista, si warbixinnadooda maaliyadeed ay u noqdaan kuwa bulshada iyo dowladdaba u daahfuran.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid qayb ka ah qorshayaasha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku adkeynayso ilaalinta hantida qaranka, iyo kormeerida shirkadaha shisheeye ee qandaraasyada la galay dowladda.

XIGASHO:SONNA