| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Xoghayaha Guud ee QM oo Walaac Ka Muujiyay Wararka Rabshadaha ka Dhacay Muqdisho
Bayaanka ayaa sidoo kale xusay digniin ay hore u soo saartay Hawlgalka UNTMIS, kaas oo sheegay in hawlgalka iyo bahwadaagta caalamiga ahi ay si isdaba joog ah uga digeen khatarta ka dhalan karta dib u soo noqoshada qalalaase siyaasadeed.
Xoghayaha Guud ee QM oo Walaac Ka Muujiyay Wararka Rabshadaha ka Dhacay Muqdisho
Xoghayaha Guud ee QM oo Ka Muujiyay Walaac Wararka Rabshadaha ka Dhacay Muqdisho

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa Khamiistii ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay muujiyaan is-xakameyn isla markaana ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta rabshado hor leh, kadib wararka laga helay qalalaasaha ka dhacay caasimadda Muqdisho.

“Xoghayaha Guud aad ayuu uga walaacsan yahay wararka ku saabsan rabshadaha ka dhacay Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenkiisa Stephane Dujarric oo bayaan soo saaray.

Dujarric ayaa sheegay in Guterres uu carrabka ku adkeeyay “baahida degdegga ah ee loo qabo in dhammaan daneeyayaashu dib ugu laabtaan wada-hadallada si loo helo waddo horay loogu socdo, loogana hortago in dib loo noqdo horumarka ay Soomaaliya gaartay ilaa maanta, isla markaana la xaqiijiyo ilaalinta shacabka iyo kaabeyaasha rayidka.”

“Xoghayaha Guud wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn buuxda, ka fogaadaan fal kasta oo hurin kara rabshado dheeraad ah, ayna ku xalliyaan khilaafaadka siyaasadeed wada-hadal,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay digniin ay hore u soo saartay Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), kaas oo sheegay in hawlgalka iyo bahwadaagta caalamiga ahi ay si isdaba joog ah uga digeen khatarta ka dhalan karta dib u soo noqoshada qalalaase siyaasadeed.

UNTMIS ayaa sheegtay in digniinahaas aan dheg jalaq loo siin.

“Hawlgalka Qaramada Midoobay wuxuu ku boorinayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka isla markaana dib u bilaabaan wada-hadalladii ku dhammaaday 15-kii May. Bahwadaagta caalamiga ah ee Soomaaliya waxay diyaar u yihiin inay fududeeyaan wada-hadalkaas,” ayaa lagu yiri bayaanka.

XIGASHO:AA