| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo Ansixisay Qorshaha Qaran ee U Diyaar-garowga El Niño 2026–2027
Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray u diyaar-garowga saameynta suurtagalka ah ee El Niño 2026–2027 iyo xoojinta isku-duwidda heer qaran.
Soomaaliya oo Ansixisay Qorshaha Qaran ee U Diyaar-garowga El Niño 2026–2027
Soomaaliya oo Ansixisay Qorshaha Qaran ee U Diyaar-garowga El Niño 2026–2027

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo diiradda lagu saaray u diyaar-garowga saameynta suurtagalka ah ee El Niño 2026–2027 iyo xoojinta isku-duwidda heer qaran.

Kulanka ayaa lagu ansixiyay Qorshaha Qaran ee U Diyaar-garowga El Niño 2026–2027, kaas oo mideynaya mas’uuliyadaha iyo dadaallada hay’adaha Dawladda Federaalka, Dawlad-goboleedyada iyo maamullada deegaanka, si loo xaqiijiyo diyaar-garow isku-dubbaridan oo ku saleysan saadaasha iyo nidaamyada digniinta hore.

Qorshuhu wuxuu diiradda saarayaa xoojinta digniinta hore iyo la socodka khataraha, iyo sidoo kale ilaalinta dadka, xoolaha, beeraha, kheyraadka biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jibriil ayaa ugu baaqay dhammaan hay’adaha ay khuseyso inay qorshaha si wax-ku-ool ah oo degdeg ah u hirgeliyaan, isagoo xoogga saaray isku-duwidda, isla xisaabtanka, tallaabooyinka hore, gurmadka iyo soo kabashada.

XIGASHO:SONNA