| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Madasha “Xiriirka Turkiga-Soomaaliya ee Geeddi-socodka Isbeddelka Caalamiga ah” oo ka furmay Ankara
Madaxa Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran, oo ka hadlay furitaanka madasha ayaa sheegay in Turkigu uusan oggolaan doonin in xasuuqa Israa’iil ka waddo Falastiin iyo gardarradeeda gobolka loo soo raro Geeska Afrika.
Madasha “Xiriirka Turkiga-Soomaaliya ee Geeddi-socodka Isbeddelka Caalamiga ah” oo ka furmay Ankara
Madasha “Xiriirka Turkiga-Soomaaliya ee Geeddi-socodka Isbeddelka Caalamiga ah” oo ka furmay Ankara / AA
25 Febraayo 2026

Madasha “Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ee Geeddi-socodka Isbeddelka Caalamiga ah” ayaa lagu qabtay Ankara, iyadoo martigelisay madax sare oo iskugu jira wasiirro, aqoonyahanno iyo masuuliyiin kala duwan. 

Masuuliyiinta ka soo qayb galay madasha ayaa waxaa ka mid ahaa Madaxa isgaarsiinta Turkiga, Burhanettin Duran, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Madaxa Isgaarsiinta ee Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran, oo ka hadlay furitaanka madasha ayaa sheegay in Turkigu uusan oggolaan doonin in xasuuqa Israa’iil ka waddo Falastiin iyo gardarradeeda gobolka loo soo raro Geeska Afrika.

Duran ayaa adkeeyay in aan marnaba la aqbali karin wax kasta oo lagu bartilmaameedsanayo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo xusay in Turkigu mar walba garab taagan yahay Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale sheegay in Afrika ay noqotay xarun cusub oo soo jiidata dhaqaalaha caalamka, isla markaana Turkigu uu xiriirka Afrika ku dhisayo mabda’a sinnaanta, ixtiraamka iyo faa’iido wadaagga.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Warfaafinta Daa’uud Aweys Jaamac ayaa khudbado ka jeediyay bilowgii madasha.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa tacsi u diray qoyska Duuliye Ibrahim Bolat oo ku shahiiday shilkii F-16, wuxuuna sheegay in inkastoo la xusayo 60 sano oo xiriir diblomaasiyadeed, haddana xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay taariikh dheer oo walaaltinimo ah. Wuxuu xusay in Turkigu ka mid ahaa dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada Soomaaliya 1960-kii, isla markaana isbeddelka weyn uu billowday booqashadii Madaxweyne Erdoğan ee Muqdisho ee sannadkii 2011-kii.

Wasiir Daa’uud ayaa dhankiisa tilmaamay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, isla markaana labada dal ay ka shaqeynayaan sidii loogu beddeli lahaa goob horseedda barwaaqo. Wuxuu xusay iskaashiga dhinacyada kaabeyaasha, tamarta iyo kheyraadka berriga iyo badda.

Wasiir Daa’uud ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda mowqifka Turkiga ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal uu sii xoojinayo nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Erdogan oo Pezeshkian kala hadlay in wadaxaajoodka Maraykanka iyo Iiraan ay xaqiijiyaan nabad waarta
Markabka shiidaal qodista Turkiga ee Cagri Bey oo gaaray Soomaaliya isagoo ka hawlgalaya badda
Erdogan, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay xabbad-joojinta Iiraan
Erdogan oo soo dhaweeyay xabbad-joojinta Maraykanka iyo Iiraan, kana digay “falal wax burburin ah”
Turkiga oo bilaabay marin ganacsi oo uu la yeeshay Sacuudiga iyadoo ay jirto xiisadda Hormuz
Saddex argagixiso ah oo lagu toogtay weerar ka dhacay agagaarka qunsuliyadda Israa’iil ee Istanbul
Maxaa ka dhigaya iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga mid xoog leh iyadoo uu jiro buuq fara badan
Waa maxay sababta ay Israa'iil uga walaacsan tahay doorka sii kordhaya ee Turkigu ku leeyahay NATO
Biyaha oo beddelaya shiidaalka oo noqonaya kheyraadka ugu istaraatiijiga ah: Madaxweyne Erdogan
Madaxweynaha Turkiga oo wada-hadal khadka telefonka ah la yeeshay hoggaamiyaha Kurdiyiinta Ciraaq
Turkiga iyo toddobo dal oo cambaareeyay xayiraadaha Israa’iil ku soo rogtay cibaadada Bariga Qudus
NATO oo ka hortagtay gantaal nooca riddada dheer ah oo ka yimid Iiraan kuna wajahnaa hawada Turkiga
Wasiir Fidan oo Islamabad kaga qeyb galay shir afar geesood ah oo looga hadlay xiisadda Bariga Dhexe
Marwada 1-aad ee Turkiga Emine Erdogan, oo ka qeyb gashay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Zero Waste
Turkiga ma aamusi doono iyadoo Israa’iil gobolka u sii riixeyso dhiig daadasho: Erdogan
Fidan oo wadahadallo kala duwan kala yeeshay dhiggiisa dadaallada lagu joojinayo dagaalka Iiraan
Turkiga oo go’aansaday inuu ka fogaado “goobada dabka ah”: Erdogan
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga oo dhiggiisa Masar iyo dhowr dal kala hadlay dagaalka Iiraan
Dalalka Khaliijka oo u tacsiyeeyey Turkiga iyo Qatar kadib shil diyaaradeed oo dhimasho sababay
Pakistan oo Turkiga ku ammaantay “doorka wax-ku-oolka ah” ee xabbad-joojinta Islamabad iyo Kabul