| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Tababar Loogu soo Gabagabeeyay Dalka Masar
Taliyaha Ciidamada Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa Masar ku soo gabagabeeyay tababar sare oo loo fidiyay cutubyo ka tirsan Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya.
Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Tababar Loogu soo Gabagabeeyay Dalka Masar
Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Tababar Loogu soo Gabagabeeyay Dalka Masar

Taliyaha Taliska Ciidamada Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, ayaa Masar ku soo gabagabeeyay barnaamij tababar sare ah oo loo fidiyay cutubyo ka tirsan Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda xiritaanka waxaa ka qaybgalay Ku-simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Masar Cabdulxakiim Axmed Maxamed, U-qeybsanaha Militariga Soomaaliya ee Masar Sarreeye Guuto Maxamed Cabdullaahi Maxamed, Taliyaha Ciidamada Cirka ka Dega ee Masar iyo mas’uuliyiin kale.

Ciidamada Soomaaliyeed ayaa Masar ku qaatay tababar sare oo diiradda lagu saaray xirfadaha kumaandooska, la-dagaallanka argagixisada, dagaalka magaalooyinka iyo hawlgallada baarashuudka. Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar ayaa la hadlay oo dhiirrigeliyay ciidamada dhammaystay tababarka, isagoo ku boorriyay inay si wax-ku-ool ah ugu dabaqaan gudashada waajibaadkooda qaran aqoonta iyo xirfadaha ay barteen.

Tababarkan ayaa qayb ka ah iskaashiga amniga iyo difaaca ee Soomaaliya iyo Masar, kaas oo lagu xoojinayo tayada, awoodda iyo xirfadaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidamada Gaarka ah, si loo taageero hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu sugayo amniga qaranka.

XIGASHO:SONNA