| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Qaza: Tirada dhimashada dagaalka xasuuqa ee Israa’iil oo ku dhow 74,000
Ugu yaraan 1,402 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 4,881 kalena waa la dhaawacay tan iyo markii uu dhaqan-galay heshiiska xabbad-joojinta bishii Oktoobar 2025, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Qaza.
Qaza: Tirada dhimashada dagaalka xasuuqa ee Israa’iil oo ku dhow 74,000
Ehelada Falastiini Bassir al-Barsh oo ku dul ooyaya meydkiisa, kadib markii lagu dilay duqeyn Israa’iil ay ka geysatay Qaza, 19-kii Sebteembar 2026. / AP

Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay dagaalka Qaza ayaa gaartay 73,922, halka 174,995 kalena la dhaawacay tan iyo Oktoobar 2023, sida ay Arbacadii sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Qaza.

Warbixinteeda maalinlaha ah, wasaaraddu waxay sheegtay in isbitaallada Qaza la soo gaarsiiyay meydadka saddex qof iyo 18 dhaawac ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaraddu ma aysan faahfaahin duruufaha ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dadkaas.

Ciidamada Israa’iil ayaa lagu eedeeyay inay sii wadaan jebinta heshiiska xabbad-joojinta ee dhaqan-galay bishii Oktoobar 2025.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in tan iyo xilligaas la dilay 1,402 Falastiiniyiin ah, halka 4,881 kalena la dhaawacay.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in weli ay jiraan dad ku hoos jira burburka dhismayaasha iyo waddooyinka, kuwaas oo aysan kooxaha gurmadku awoodin inay gaaraan. Ilaa hadda, 834 meyd ayaa laga soo saaray burburka tan iyo xabbad-joojinta.

Dagaalka ayaa sidoo kale burbur baaxad leh u geystay Qaza.

Qiyaastii 90% kaabeyaasha rayidka ayaa burburay, halka Qaramada Midoobay ay kharashka dib-u-dhiska ku qiyaastay ilaa $70 bilyan.

XIGASHO:َAA