| Somali
SIYAASADDA
2 daqiiqo akhris
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Ankara ku qaabilaya dhiggiisa dalka Nigeria, Yusuf Tuggar
Turkiga iyo Nigeria oo ka wada hadlaya Difaaca iyo Ganacsiga
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan / AA

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Ankara ku qaabilaya dhiggiisa dalka Nigeria, Yusuf Tuggar, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, iskaashiga amniga iyo arrimaha gobolka.

Kani waa booqashadii ugu horreysay ee Wasiir Tuggar uu ku yimaado Turkiga, waxaana la filayaa in kulanka diiradda lagu saaro qodobo istaraatiiji ah oo ay ka mid yihiin ganacsiga, difaaca, iyo xaaladaha ka taagan Afrika iyo Bariga Dhexe.

Ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah ayaa sheegay in Wasiir Fidan uu xoogga saari doono muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga dhanka ciidamada iyo warshadaha difaaca.

Turkiga ayaa ballanqaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Nigeria ee ku aaddan la-dagaallanka kooxaha argagixisada, iyadoo la raacayo heshiisyada amniga ee sii kordhaya.

Qodob xasaasi ah oo kulanka qayb ka ah ayaa quseeya Geeska Afrika. Labada wasiir ayaa la filayaa inay si wadajir ah u adkeeyaan muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madaxbannaanida, midnimada qaranka iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah.

Tani waxay muujinaysaa in Ankara iyo Abuja ay isku mowqif ka yihiin ilaalinta qaranimada Soomaaliya, xilli gobolka ay ka jiraan xiisado siyaasadeed.

Dhinaca dhaqaalaha, Nigeria ayaa sanadkan 2025 noqotay saaxiibka ganacsi ee ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay Saxaraha Afrika (marka lagu daro ganacsiga tamarta).

  • Mugga Ganacsiga: 11-kii bilood ee ugu horreysay 2025, ganacsiga labada dal wuxuu gaaray $688.4 milyan.

  • Maalgashiga: In ka badan 50 shirkadood oo Turki ah ayaa ka hawlgala Nigeria, iyagoo galiyay maalgashi dhan $400 milyan.

  • Mashaariicda: Qandaraasyada ay shirkadaha Turkiga ka fulinayaan Nigeria ayaa qiimahoodu ku dhow yahay $3 bilyan.

Labada dal oo xubno ka ah kooxda xiriirka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo Jaamacadda Carabta, ayaa ka wada hadli doona xaaladda Gaza, xabad-joojinta iyo hirgelinta xalka labada dowladood.

Raadi Warar Kale
Madaxweynaha Turkiga oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Golaha Ku-meelgaarka ah ee Suudaan
Netanyahu oo la sheegay inuu Trump ku riixay dagaalka iiraan
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo iyo danjiraha Turkiga oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Soomaaliya: hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab oo la dilay
Soomaaliya: Adeegsiga kaarka aqoonsiga ee safarrada gudaha oo si rasmi ah loo hirgeliyay
Islamabad: Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis dhanka Fiisaha ah
Madaxweynaha Tansaaniya oo Magacawday Ra’iisul Wasaare cusub
Maraykanka oo bogaadiyay dadaallada Maali ee ladagaallanka argagixisada
Soomaaliya: Xil-wareejin rasmi ah oo ka dhacday Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Baarlamaanka Jabuuti oo meesha ka saaray xaddidaaddii da'da ee murashaxa madaxweynaha
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda