Madaxweynaha DRC oo sheegay in maleeshiyada M23 aysan weli ka bixin magaalada xadka ah ee Uvira
Madaxweynaha Kongo, Felix Tshisekedi, ayaa Axaddii sheegay in ciidamada M23 aysan weli ka bixin magaalada xadka ah ee Uvira ee Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), in kasta oo ay hore u sheegeen inay ka baxeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqoraadiga ah ee Kongo (DRC) Felix Tshisekedi ayaa Axaddii sheegay in maleeshiyada M23 aysan weli ka baxin magaalada istiraatiijiga ah ee Uvira ee bariga dalka, inkastoo ay hore u sheegeen inay ka baxeen.
Isbahaysiga Webiga Congo, oo ah isbahaysi mucaarad ah oo ka howlgala bariga DR Congo kana mid ah M23, ayaa dhamaadkii todobaadkii hore shaaciyey inuu bilaabay kala bixidda ciidammadiisa Uvira islamarkaana howsha dhameyn doono maalintii xigtay ka jawaabidda codsi ay ka heleen Mareykanka, oo ahaa dhexdhexaadiyaha wadaxaajoodyada nabadda.
Si kastaba ha ahaatee, Tshisekedi ayaa khadka fiidiyowga ku sheegay shir ku-meel-gaar ah oo madaxda gobolka ay ka qeybgaleen oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni si looga wada hadlo xaaladda amniga ee bariga DR Congo, in waxa loogu yeeray baxitaanka Uvira aysan waafaqsanayn xaqiiqooyinka ama wixii lagu arkay goobaha.
Dhanka kale, Madaxweynaha Uganda Museveni, ayaa ku sheegay bartiisa X in: "Wadahadallada iyo ballanqaadka xooggan ee dalalka ka qaybgalay iskaashiga loogu talagalay nabad waarta iyo xasillooni gobolka Harooyinka ay tahay wax dhiirigeliyey."
"Xogta aan helayno waxay muujinaysaa in unugyo hubeysan ay weli ku suganyihiin magaalada iyo agagaarkeeda dhow, in goobo istiraatiiji ah la haysto, iyo in shacabka ay weli u nugul yihiin tacaddiyo," ayuu Tshisekedi shirka u sheegay.
"Baxitaan la shaaciyey, balse aan wax ku ool ahayn, aan la xaqiijin, isla markaana aan la raacin soo celinta awoodda ciidammada rasmiga ah, lama qiyaasi karo inuu yahay baxitaan dhab ah. Kalsoonida geeddi-socod kasta oo nabadeed waxay ku tiirsan tahay ficillo la xaqiijin karo oo aan ahayn bayaanno xilliyeed," ayuu intaa ku daray.
Ka dib shirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Uganda u qaabilsan Iskaashiga Gobolka, John Mulimba, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, oo kala ah guddoomiyeyaasha Bulshada Bariga Afrika iyo Ururka Horumarinta Afrika ee Koonfureed, loo xilsaaray hogaaminta fulinta dadaallada nabadeed ee socda.
"Waxaan ku heshiinay in ururada gobolka ay tahay inay hoggaamiyaan howsha," ayuu intaa ku daray.
Baahida loo qabo baaritaan xaqiiqo raadis ah
Wuxuu sheegay in loo baahday in la xaqiijiyo hadallada kooxda M23 iyo dowladda Kongo ee ku saabsan ka baxitaanka magaalada istiraatiijiga ah ee Uvira, oo ay mucaaradku qabsadeen 10-kii Diseembar ka dib toddobaad uu ka socday dagaal. M23 ayaa bixitaanka caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Koonfurta Kivu ku tilmaantay "tallaabo lagu dhisayo kalsoonida."
Mulimba ayaa intaa ku daray in "waa in ciidamo goboleed dhexdhexaad ah ay tagaan si ay u soo xaqiijiyaan".
Dagaalladii dhowaan u dhaxeeyey mucaaradka iyo ciidamada dowladda ayaa sababay masiibo bini'aadantinimo oo weyn, iyadoo in ka badan 200,000 oo qof lagu qasbay inay ka cararaan guryahoodii.
Dagaalka ayaa ku soo aaday iyada oo uu jiray heshiis nabadeed oo la saxiixay 4-tii Diseembar kaasoo u dhaxeeyey Madaxweynaha Kongo Tshisekedi iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, taasoo lagu doonayey in lagu joojiyo dagaallada bariga DR Congo.
Kooxda mucaaradka M23 ayaa gacanta ku haysa deegaan weyn oo bariga DR Congo, oo ay ka mid yihiin caasimadaha gobollada Goma iyo Bukavu, oo ay qabsadeen horaantii sannadkan. Qaramada Midoobay iyo Kinshasa waxay ku eedeeyaan dalka deriska ah ee Rwanda inay taageerto M23, eeddahaas oo Kigali iska fogaysay.