Guddiga Madaxa Bannaan ee Qaranka ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha (NIEBC) ayaa bixiyay warbixin ku saabsan geeddi-socodka tirinta codadka kadib doorashooyinkii qof iyo cod ee xubnaha goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ka dhacay 13 degmo oo ka tirsan Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha NIEC Cabdikariim Axmed Xasan ayaa sheegay in habka tirinta codadka, gudbinta, iyo xaqiijinta natiijooyinka doorashooyinka isku dhafan uu si habsami leh ku socdo isla markaana waafaqsan Sharciga Doorashooyinka Qaranka.
“Guddigu wuxuu xaqiijinayaa, si waafaqsan Qodobka 61-aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, in tirinta codadka ee goobaha codbixinta si rasmi ah loo dhameystiray xalay,” ayuu yiri Cabdikariim. “Intaa waxaa dheer, dhammaan habraacyadii ku xusnaa Qodobka 21-aad ee la xiriiray xiritaanka goobaha codbixinta iyo dhameystirka tirinta codadka si buuxda ayaa loo soo gabagabeeyay.”
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xaqiijiyay in natiijooyinka dhammaan goobaha codbixinta loo gudbiyay guddiga, kaas oo hadda fulinaya waajibaadkiisa sharciyeed ee xaqiijinta iyo dhameystirka natiijooyinka doorashada.























