Diyaarad raashin gargaar ah sidday oo ku burburtay Koonfurta Suudaan
Diyaarad raashin gargaar ah u wadday hay’adda samafalka ee Samaritan's Purse ayaa Talaadadii ku burburtay gobolka Unity ee Koonfurta Suudaan, mas’uul ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in saddexdii shaqaale ee saarnaa ay ku dhinteen.
Diyaarad sidday raashin gargaar ah oo ay laheyd hay'adda samafalka caalamiga ah ee Samaritan's Purse ayaa Talaadadii ku burburtay gobolka Unity ee Koonfurta Suudaan, iyadoo dhammaan shaqaalihii diyaaradda oo 3 qof ahaa ay ku geeriyoodeen, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan hay'adda.
Diyaaradda, oo ay laheyd Nari Air, ayaa ka timid caasimadda Juba una socotay dadka ku barakiciyay fatahaadaha iyadoo sidday 2 tan oo sahay ah sida uu Reuters u sheegay Bikram Rai, ku-xigeenka agaasimaha Samaritan's Purse ee Koonfurta Suudaan.
"Shaqaaleheenna ayaa gaaray goobta shilka, aad ayaana uga murugaysanahay inaan xaqiijiyo in dhammaan saddexdii shaqaale ee saarnaa ay geeriyoodeen," ayuu yiri Rai.
Diyaaradda ayaa qiyaastii 8 subaxnimo (0600 GMT) ku dhacday meel ku dhawaad 20 kiiloomitir u jirta garoonka diyaaradaha ee Leer, oo ku yaal degmada Leer ee gobolka Unity oo hodan ku ah saliidda, agagaarka xadka Suudaan.
Ma jirin wax faahfaahin ah oo laga bixiyay nooca ama moodalka diyaaradda.
Bogga internetka ee Nari Air ayaa lagu sheegay inay ka howlgasho Koonfurta Suudaan isla markaana bixiso adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin adeegyo xamuul iyo rakaab labadaba.