| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Bangiga Saaxilka iyo Saxaraha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Maaliyadeed
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, iyo Guddoomiyaha BSIC, Dr. Axmed Cumar Al-Haadi, ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga maaliyadeed iyo ballaarinta fursadaha maalgashi ee dalka.
Soomaaliya iyo Bangiga Saaxilka iyo Saxaraha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Maaliyadeed
Soomaaliya iyo Bangiga Saaxilka iyo Saxaraha oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Maaliyadeed / SONNA

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa wadahadallo la yeeshay Guddoomiyaha ahna Agaasimaha Guud ee Bangiga Saaxilka iyo Saxaraha ee Maalgashiga iyo Ganacsiga (BSIC), Dr. Axmed Cumar Al-Haadi (Al-Tarhouni), iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga maaliyadeed iyo ballaarinta fursadaha maalgashi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sameynta iskaashi shaqo oo dhexmara Bangiga BSIC iyo bangiyada Soomaaliyeed, si loo xoojiyo wada shaqeynta qeybta maaliyadda, loona fududeeyo helitaanka adeegyada bangiyada ee heer gobol.

Labada dhinac ayaa sidoo kale qiimeeyay fursadaha ay Soomaaliya uga faa’iideysan karto mashaariicda maalgashiga iyo horumarinta ee bangigu ka fuliyo dalalka Afrika.

Wadahadalladan ayaa muujinaya dadaallada Soomaaliya ay ku xoojineyso xiriirka ay la leedahay hay’adaha maaliyadeed ee gobolka, ku ballaarineyso fursadaha maalgashi, kuna taageereyso horumarinta qeybta bangiyada dalka.



XIGASHO:SONNA